[Warbixin]: Donald Trump Oo soo Bandhigay istiraatiijiyaddiisa Dagaalka Afghanistan, Eedayn Kululna Ujeediyay Dowladda Pakistan.

Tuesday August 22, 2017 - 15:29:54
Super Admin
Hoggaamiyaha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay istiraatiijiyaddiisa cusub ee ku aaddan ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada oo loola jeedo ladagaalanka jamaacaadka Jihaadiga ah ee ka dagaallamaya caalamka islaamka.


Trump ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay aqalka cad ee Mareykanka wuxuu ku dheeraaday ka hadalka dagaalka ka socdo bartamaha qaaradda Asia gaar ahaan Afghanistan oo uu sheegay in uu yahay dagaal ah nolol ama geeri.

Ugu horrayn Trump wuxuu go’aamiyay in ciidamo dheeraad ah uu u dirayo wadanka Afghanistan si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Al Qaacidda iyo Taliban, wuxuu sheegay in ciidamo gaaraya 4,000 oo Askari ay udirayaan wadanka Afghanistan.

Wuxuu sheegay in marxaladda hadda uu marayo dagaalka Mareykanku uga jiro Afghanistan uu yahay mid khatar ah "16 sanadood kadib weeraradii 11/9  guul ayaa hadda noogasoo muuqanaysa Afghanistan sidaas daraadeed waxaan diri doonaa Afar Kun oo askari dheeri ah si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada” ayuu yiri Trump.

isagoo sharraxayay istiraatiijiyaddiisa ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Jamaacaadka Jihaadiga ah ayuu carabaabay in dagaalka ka socda bartamaha Asia uu umuhiimad dheeri ah uleeyahay mareykanka iyo xulufadiisa wuxuuna naqdiyay soo jeedinta ka imaanaysa siyaasiyiinta Mareykanka ee ah in lasoo gaba gabeeyo dagaalka Mareykanku uga jiro Afghanistan.

"Ka bixitaan degdeg ah oo aan ka sameyno Afghanistan wuxuu dhalin karaa marnaanshiyo dhanka Amniga oo Argagaxisadu ka faa’iideysato waa in aan xoojinaa dagaalka ka dhanka ah Xagjirka ee Bartamaha Asia” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump.

Mar uu soo hadal qaaday Xarakada islaamiga Taliban wuxuu sheegay in si isku mid ah ay ula tacaamulayaan Al Qaacidda iyo Talibaan oo uu isku khaanad geliyay wuxuuna yiri "dhammaantood waxay halis ku yihiin ammaanka Mareykanka iyo xulufadeena".

Donald Trump ayaa sheegay in ay sare uqaadayaan taageerada ay siiyaan dowladaha gobolka ee Mareykanka ku caawiyay dagaalka ka dhanka ah jamaacaadka Jihaadiga ah sida Hindiya iyo Banghaladesh wuxuuna weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday dowladda Pakistan.

"Uma ogolaaneyno cadawgeena in ay nasoo weeraraan waxaa naga go’an in aan anagu weerarno, taageerada iyo iskaashiga nagala dhaxeeya dowladaha Koonfurta iyo bartamaha Asia waa sii wadaynaa” Donald Trump.

Dowladda Pakistan ayuu ku tilmaamay mid kaalin xun kaga jirta dagaalka Afghanistan wuxuuna ku eedeeyay in taageero siyaasadeed iyo mid melleteri ay siiso dhaq dhaqaaqyada Jihaadiga ah ee mandiqadda ka dagaallama.

"Kama aamusi karno taageerada ay Pakistan siinayso Argagaxisada mana sii socan karto taageeradaas, Islam’abaad waxay noqotay meel laga quudiyo xagjirayaasha” ayuu ku cataabay Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka.

inkastoo Trump sheegay in ciidamo dheeri ah uu u dirayo wadanka Afghanistan hadane wuxuu ka qeylla dhaamiyay dhibaato dhanka dhaqaalaha ah ee ajandayaashiisa ku hor gudban isagoo dowladaha caalamka ka codsaday in ay taageero maaliyadeed ugu yahoobaan dagaalka Afghanistan.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in khudbadda Trump ay aheyd mid uu taageerayaashiisa ugu ballan qaadayo yaboohii uu jeediyay xilligii uu u ordayay xilka madaxtinimada sanaddii 2016 waqtigaas oo uu ballan qaaday in ciidamo dheeri ah u dirayo wadanka Afghanistan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences