(Maqaal) Berbera Wax Go' Lagu Qaado Ka Weyn, Gows Baase La Dhaafsaday.

Wednesday March 21, 2018 - 06:23:12
Super Admin
Heshiis ku sheegga ay dekedda magaalada Berbera kula wareegeen Imaaraadka iyo Itoobiya, wuxuu beddelay taariikh dahabi ahayd iyo halkudheg ay lahayd dekedda, oo ay ka dhaxashay awoow yaasheen.


Markii uu gobolada wuqooyi joogay gumeystihii Ingiriiska, mar buu damcay inuu dekedda magaalada Berbera kula wareego hab khiyaano ah oo lamid ah sida maanta dhacday.

Ingiriisku wuxuu u yeeray Odayaashii gobolada Quqooy galbeed qaarkood wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu iibsado dekedda Berbera.

Odayadu, ma ahayn sida kuwa maanta jooga ee caado qaatayaasha ah oo kale, waxayna shisheeyaha u sheegeen in aysan talada iyaga uun ka go’in balse ay usoo dad badsanayaan, waxaana la ballamay mar kale.

Odayaasha oo ahaa dad milgo leh ayaa markii ay kulmeen dhexdooda ku qoslay warka Ingiriiska kadibna waxay go’aansadeen in la tago madasha oo xaqiiqada dhabta ah la taabsiiyo.

Markii mudadii ballanta lasoo gaaray, waxaa Ingiriiskii laga dalbaday inuu soo daaha ka rogo damaciisa iyo ujeedadiisa. Wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu iibsado dekedda Berbera isagoo soo bandhigay lacag bir ka sameysnayd oo shilimaad ahayd.

Odayaashii waxay ku yiraahdeen, "bal hadaba lacagta soo bixi hala arkee” markaasuu Ingiriisku kusoo shubay go’ soona dhigay miiska.

Intaasi kadib arrinta qiimaha badan ee dhacday ayaa waxay ahayd in odayaashii kor u qaadeen go’ii ay lacagta ku jirtay kadibna ay ku dhawaaqeeyn erayadan taariikhda galay oo sidan ahaa:"Berbera Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn”kadibna halkii ayay uga dhaqaaqeen Ingiriiskii oo dulleysan oo uu waagu ku baryay.

Haddaba odayaashaas waalidiinteena ahaa, naxariistii janno Alle haka waraabiyo’e, ma ahayn dad aqoon badan leh, mana ahan dad jaamiciin ah, ee waxay ahaayeen dad uu iimaanku ku gaamuray sida aan u rajeeneyno islamarkaana uu damiirkoodu siin waayay in wax yar oo hanti ah ay siistaan ra’sull-maalka caruurtooda.

 Maanta Iyo Berbera

Alle haka abaal mariyo aqoowyaasheen. Waxay nagu soo simeen dekeddii oo aanu gumeyste qabsan oo xor ah, waxay gacanta naga saareen dhul xor ah oo ay u hureen naftooda. Laakin nasiib darrada maanta dhacday ayaa waxay tahay in ay maanta dekedii qiimahaasi lahayd si bilaash ah lagu siiyo Itoobiya.

Kuwa damiir laawayaasha ah ee dekedda bixiyay oo ay u horreeyaa Farmaajo, Kheyrre, Muuse Biixi iyo culimaa’usuuga kuwaas dowlad nooga dhigay qowleysatada, waxay badaleen halkudheggii Awoowyaasheen ee ahaa"Berbera Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn”waxay ka dhigeen in Berbera wax go’ lagu qaado ka liidato oo ay waliba mudan tahay in cidda qaadanaysa (Itoobiya) lacag saami ah loogu sii daro.

Ummada Soomaaliyeed inteeda damiirka leh iyo kuwa la hurdasiiyayba waxaan u sheegayaa in dalkan uu u baahan yahay badbaadin dhab ah.
Badbaadin dhab ah markaan leeyahay kama wado in muddo dhowr maalmood ah la qeyliyo kadibna la iska aamuso. Balse waxaan ula jeedaa tan uu Allaah Qur’aanka ku sheegay, Nabigana csw oo Axaadiista inoogu sheegay, taasoo ah in wixii xoog lagaaga qaato xoog lagu soo ceshado.

Dhab ahaantii waxaan hubaa, haddii aan u dhaqaaqno inaan dalkeena ka yureysanno Yeydan ina dulleysanaysa, inaan guuleysanayno oo aan soo celinayno sharaftayadii.

Marka aad taariikhda akhriso, ma jiro wadan la gumeystay oo dadkiisu dagaal diyaar u ahaayeen, oo kaliya dalalka la gumeystay waa kuwa is dhiibay oo raali ka noqday in masiirkooda la dhaxal wareejiyo.

Ogowna taariikhdu waxay nagu dareysaa labada bog mid uun, bogga ifaya ama kan madow. Allana wuu ina weydiinayaa haddaan nahay jiilka maanta nool, sababta aan u qaadanay dulli ay awoowyaasheen gaashaanka u daruureen.

Xaqiiqdii, haddaan maanta ka aamusno dekedaha lala wareegay oo dhan iyo boobka lagu hayo kheyraadka dalka, waxay caruurteenu noqon doonaan Alle ma qadaro e’ kuwa nasoo habaara. Waxaan uga tagi doonnaa in la gaaleysiiyo, waxaan sabab ugu noqon doonnaa cadaab adduunyo iyo mid aakhiro. Gabdhahayaga waxaa kufsan doonaa caruurta Tikreega ah ee maanta dhalanaysa.

Nin dharbaaxo quudheer dugsaday, dhaqayadeed maalye, dhashaadey sugtaa, xaajadaad dhowrataa abide.

Haddaba waxaan qormadaydan kusoo gunaanadayaa geeraar yar oo aan naftayda iyo tan ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed uga dalbanayo badbaadinta dalkeena.

Diinteena macaan iyo
Dalkeena hooyoo
Duullaan lagu haayo,
Dakadaheena qaaligana
Duufleyda Xabashida
Deeq looga dhigayoo
Loogana dambeeyo,
Inaan iska daawanoo
Ka dagaalami weyno
Dar Allaah miyaa?

 
WQ: Warfaa Kheyr-doon

Related Items

Update cookies preferences