Filimka ayaa ka faalloonaya guuto lagu magacaabo Liwaa Al-Qudus oo ah
Jabhadda ka dagaalameysa Buuraha Goolis ee hortaagan maamulka dabadhilifka ah
ee isku magacaabay Puntland.
Wuxuu filimku soo tabinayaa dhinac ka mid ah noloshooda, himadooda iyo
howlgallada ay ku beegsanayaan ciidamada maamulka ‘Puntland’ ee saldhigyada ku
leh gobolka.
Yoolkeygu ma ahan in aan ka sheekeeyo filimka waxa ku jira gudihiisa
sababtoo ah dadka badankoodu wey daawadeen filimka, qofkii aan weli aragna wuxuu
ka daawan karaa halkaan balse waxaan doonayaa in aan bidhaamiyo wakhtiga uu ku
soo aaday filimka, farriimaha uu xambaarsanyahay iyo waxa laga filan karo
awoodda Al-Shabaab ee waqooyiga Soomaaliya sanadaha soo socda.
Weerarkii Af-Urur.
Weerarka ugu xoogan uguna saameynta badan ee aan ku daawaday filimka ay
baahisay Al-Kataa’ib waa duullaankii aroornimo ee dagaalyahannada Al-Shabaab ay
ku qaadeen Xerada Af-Urur 13-kii bishii Ramadan 1438, kaas oo lagu dilay in ka
badan 80 askari laguna furtay hub, agab military iyo gaadiid dagaal.
Madaxweynaha maamulka ‘Puntland’ Cabdi Wali Gaas iyo Waziirkiisii amniga
ee xilligaas Cabdi Xirsi Cali, labduba xilligaas waxay inkireen khasaaraha
lixaadka leh ee ciidankooda ka soo gaaray weerarka, waxayna askarta la laayey
ku tilmaameen dad rayid ah.
Filimkan qudhiisa waxaa kasoo muuqanaya Cabdi Xirsi Cali oo ciidamada
maamulkiisa ee la laayey ku tilmaamaya dumar, carruur iyo waayeello, waxaana
hadalkiisa dul saaran meydadka askarta la laayey oo waran difaacyadooda.
Maamulka Cabdi Wali Gaas weli wuu ka gaabsanayaa inuu faahfaahin dhab ah
ka bixiyo xasuuqii ciidankooda loogu geystay deegaanka Af-Urur.
Wakhtiga uu filimku ku soo aady.
Filimku wuxuu yimid maalin uun ka dib markii magaalada Baydhabo uu shir
uga furmay madaxda maamul-goboleedyada kaas oo diiradda lagu saarayey fashilka
iyo guuldarada ku heysata dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.
Maamulladan oo kaashanaya kumanaan ciidamada shisheeye ah oo ku soo
duullay wadanka ayaa dhamaantood ku guuldareystay ka hortagga iyo soo afjaridda
awoodda Al-Shabaab oo muddo sanado ah ku bixinayeen dadaallo naf iyo maalba leh,
waxayna sanadihii ugu dambeeyey lagu jabiyey xeeladaha dagaal ee ay fagaaraha
la timid Xarakada Al-Shabaab.
Weerarka maleeshiyaatka Cabdi Wali Gaas ku qabsatay Af-urur waxaa ka
horeeyey dharbaaxooyin isdaba joog ah oo ay la kulmeen maleeshiyada maamulka
Axmad Madoobe kuwaas oo lagu xasuuqay weeraradii ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadday
saldhigyadii Buula-Gaduud iyo Balad-Xaawo kuwaas oo lagu dilay askar fara badan.
Muuqaallo ay baahisay Al-Shabaab oo laga soo duubay saldhigyada
Buula-Gaduud iyo Balad-Xaawo ayaa muujinayey sida Al-Shabaab ay cagta u marisay
boqolaal maleeshiyaat ah oo daganaa saldhigyadaasi.
Labadan weerar oo dhacay wakhtiyo aad isugu dhow ayaa lagu jabiyey
carcarta maleeshiyaatka maamulka ‘Jubbaland’ oo laga lahaa rajo ah in ay isku
filnaan karaan, Al-Shabaabna ka difaacan karaan deegaankii loo qabto.
Wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa goor sii horreysay
maleeshiyaatka ‘Jubbaland’ tilmaamay "ciidamada kaliya ee isku filnaan kara
bixitaanka AMISOM kadib, lana wareegi kara mas’uuliyada ammaan ee wadanka”
balse weeraradii Balad-Xaawo iyo Buula-Gaduud ayaa baabi’iyey rajo badan oo
laga qabay maleeshiyada maamulkaasi.
Wadada Jowhar iyo Muqdisho.
Maamulka Curdunka ah ee‘HiirShabelle’ ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdi Awaare ayaa isna bilooyinkii dambe
bartilmaameed joogta ah u noqday dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaas oo silsilado
weeraro ah oo si gaar ah u beegsanaya isu socodka ciidamada iyo madaxda ee
wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.
Wadadan halbowlaha ah oo ahayd mida kaliya ee u furneyd maamulkan iyo
ciidamada shisheeye ee ku sugan gobolka ayaa gabi ahaanba xirantay sanadkan kadib
weeraro soo noq-noqday oo lagu qaaday saldhigyada ciidanka iyo kolonyooyinka
ciidamada iyo madaxda ee isticmaalaya wadada.
Horaantii bishii Maarso ee sanadkan, Al-Shabaab waxay cagta marisay
Kolonyo ciidamo Burundi oo ku socdaalayey wadadaas, iyadoo sidoo kalena muddo
saacado kooban ah la wareegtay degmada Balcad.
Saraakiisha iyo madaxda maamulka ayaa hadda adeegsada diyaarado marka ay
doonayaan in ay u safraan magaalada Muqdisho oo wax aan ka badneyn 90km u jirta
xarunta maamulkooda oo ah Jowhar.
Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur-Galbeed ee uu madaxda ka yahay Shariif Xasan ayaa isna
ka duwaneyn maamulada aan ka soo sheekeynay, waxaana Shariif Xasan qudhiisa uu
horay u sheegay in Al-Shabaab ay go’doomisay magaalooyinka uu ka taliyo
maamulkiisu, safarkuna uu ku soo koobmay mid hawada ah.
"Wiilal yaryar oo qoryo AK47 ah heysta ayaa dadka wadada u diiday, anaga
iyo maamulkeena diyaarado ayaan ku safarnaa, markii aan fiiriyey [xaalada aan
ku jirno] waxaan dhihi karnaa dhulka waxaa heysta Al-Shabaab, anaguna hawada
ayaan heysanaa” sidaas waxaa yiri Shariif Xasan xilli uu ka hadlayey shir sanadkii
la soo dhaafay ay Muqdisho ku yeesheen maamul-goboleedyada iyo DFS.
Waxaadba mooddaa in Al-Shabaab ay xeelado adag u maleegtay maamul
goboleedyadan dabadhilifyada ah ee ay dhisteen Kenya iyo Itoobiya sababtoo
maamul waliba waxay ku fureen jabhad adag oo isku filan oo aanan wax gurmad iyo
kaalma ah kaga baahneyn jabhadda deriskeeda ah.
Culeyska military ee ay xarakadu saarto mid ka mid ah maamuladan lagama
dareemayo furimaha kale ee lagu hor fadhiyo maamul-goboleedyada kale, waana
taas mida halgankooda ka dhigtay mid isku dheeli tiran oo si isku mid ah u
beegsanaya ugu yaraan lix maamul oo ku tiirsan awoodda shisheeyaha.
Farriinta uu xambaarsan yahay.
Farriinta ugu weyn ee uu xambaarsan yahay filimka waa in uu yimid xilli
madaxda maamulada dabadhilifyada ah ee dagaalka kula jira mujaahidiinta Al-Shabaab
ay ku shirayeen magaalada Baydhabo iyagoo ka arrinsanaya guuldarrooyinka
military iyo kuwa siyaasadeed ee ay wajahayaan maamuladooda taagta daran.
Wuxuu sidoo kale gudbinayaa farriin ah in awoodda Al-Shabaab ay ka
gudubtay xilligii lagu taamayey in la soo afjaro ama lagu soo koobo dhul gaar
ah oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.
Fariinta saddexaad ee uu gudbinayo ayaa ah taagdarada maleeshiyaatka maamul-goboleedyada
iyo in aanu jirin wax farqi ah oo u dhexeeya askariga dhufeyska kaga jira
Kismaayo iyo midka taagan Boosaaso iyo midka jooga Baydhabo, dhamaantoodna ay
yihiin kuwa taagdaran oo aanan isku filnaan karin haddii ay baxaan ciidamada
Shisheeye.
Muuqaalkan wuxuu sidoo kale rajo beel ku ridayaa taliska AMISOM iyo awoodaha
reergalbeedka ee taageera kuwaas oo damacsanaa in ay soo afjaraan howlgalkan
dhiigga iyo dhaqaaluhu kaga baxay ee ku sii daba dheeraaday.
Waxaa hubaal ah in AMISOM ay hadda la mucaamileyso awoodda Al-Shabaab oo
ka adag kana xoog badan sidii ay ahayd 2007 markii ciidamada Shisheeye ay soo
galeen wadanka.
Awoodda Al-Shabaab Ee Waqooyiga
Muuqaalka ay Al-Shabaab ay ka keentay Buuraha Goolis oo ahaa qeybtii
5aad ee Filimaan ay ugu magacdareen "Furimaha Sharafta Leh” kama faalooneyn
kaliya dagaalka Af-Urur iyo weeraro lagu qaaday ciidamada ‘Puntland’ balse
wuxuu sidoo kale soo bandhigay awoodda ciidankooda ee waqooyiga Soomaaliya oo
ah mid aanan la dhayalsan karin.
Xeeladda loo adeegsaday weerarkii Af-urur waa isla middii loo adeegsaday
weeraradii lagu qaaday xeryaha ciidamada AMISOM ee koonfurta Soomaaliya, halka
sidoo kale tirada ciidamada ee qaaday weerarkii Af-urur aysan ka yareyn raggii
fuliyey weeraradii Jannaale, Ceel-Cadde iyo Kulbiyow.
Qof waliba oo daawada muuqaalkan cusub wuxuu si cad u dareemayaa in
Al-Shabaab ay hormar ballaaran ka sameysay Jabhadda Goolis, kuna xoojiyeen
ciidamo dheeraad ah.
![](https://i2.wp.com/shahadanews.com/wp-content/uploads/2018/05/8.jpg?resize=1024%2C576)
![](http://somalimemo24.com/sawirro/photo_2018-05-14_11-40-05.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirro/photo_2018-05-14_11-40-23.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirro/photo_2018-05-14_11-40-27.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirro/photo_2018-05-14_11-40-30.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirro/photo_2018-05-14_11-40-35.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirro/photo_2018-05-14_11-40-40.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirrophoto_2018-05-14_11-40-05.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirrophoto_2018-05-14_11-40-23.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirrophoto_2018-05-14_11-40-27.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirrophoto_2018-05-14_11-40-30.jpg)
![](http://somalimemo24.com/sawirrophoto_2018-05-14_11-40-35.jpg)
![](https://i1.wp.com/shahadanews.com/wp-content/uploads/2018/05/20.jpg?resize=1024%2C576)
Inkastoo jabhadan ay ka dagaalamayso dhul adag oo marka si loo eego ku
jira xaalad go’doon u dhow, haddana waxaa cajiib ah in ay heystaan noocyada
kala duwan ee hubka lagama maarmaanka u ah dagaalada loo yaqaano Xarbul
Cisaabaatka.
Waxaa filimka lagu soo
bandhigayaa iyagoo qaraxyo la beegsanaya gaadiidka ciidamada ‘Puntland’ madaafiicna
ku garaacaya xeryaha ciidanka sidoo kalena cagta marinaya saldhigyada
maleeshiyaatka taas oo kuu muujineysa in ay yihiin ciidan adag oo isku tashtay.
Halkan Ka Daawo Filimka oo Carabi ah
W/Q: Suldaan Cabdil Majiid