Maxaa Keenay in Madaxda DFS & Siyaasiyiinta Mucaaradku Ku Awr Kacsadaan Qabaa'ilkooda? Warfaa Kheyrdoon.

Monday February 24, 2020 - 12:28:20
Liibaan Jeexoow
Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa siyaasadda Soomaaliya caan ka noqotay in madaxda iyo siyaasiyiinta mucaaradku adeegsadaan awrkacsi qabyaaladeed.


waxaan doonayaa inaan qormadan uga hadlo sababta arrintan keentay  iyo farriin muhim ah oo aan siinayo qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Waxaan si kooban isku dul taagi doonaa shirka Mudulood ee ay kasoo dhex muuqdaan Xassan Sheekh iyo siyaasiyiin kale, tallaabooyinka uu Farmaajo ciidamada ku geynayo Gedo, hadallada qabyaaladda iyo dhiillada xambaarsan ee ay ku caan bexeen siyaasiyiinta qaar.

Shirka Mudulood.

Ma xuma in qabiil walba uu shiro islamarkaana uu ka hadlo dhibaatooyinka heysta sida:- xirnaanshaha waddooyinka, amni darrada, cadaalad xumada, canshuuraha badan ee laga gurto ee aan baddiilka lahayn iyo wax yaabaha lamidka ah, laakin waxaan dhanka kale habbooneyn in qabaa’ilku noqdaan kuwa ka shaqeeya danaha kuwa khawanada ah.

Xassan Sheekh iyo Shariif waxay dabada la galeen beesha Mudullood markii ay cadaadis kala kulmeen Shisheeyaha iyo madaxda DFS oo ay ugu horreeyaan Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyrre, Markay sheekadu sidaa tahayna waxaa in la is weydiiyo mudan maxay labadoodu u qabteen beesha Mudulood?

Shariif iyo Mudulood!

Siyaasiyiinta ku caan baxay awrkacsiga qabyaaladeed mid walba oo iyaga kamid ah wuxuu leeyahay taariikh madow oo wuxuu dhibaatooyin kula soo kacay beeshiisa.

Shariif Sheekh Axmad markii uu madaxweynaha ahaa wuxuu sabab u noqday dhibaatadii ugu badnayd ee beesha Mudulood ku gaartay Muqdisho taariikhda inta la xasuusto.

Beesha Mudulood siiba qabiilka Abgaal ee uu ka dhashay waxaa gaaray khasaare dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeen kaas oo aan xataa gaarin markii Cabdullaahi Yuusuf iyo Xabashidu heysteen caasimadda!

Markii uu Shariif madaxweynaha noqday waxay ciidamada AMISOM duqeyn arxan darro ah u geysteen degmada Kaaraan iyo degmooyinka ku hareereysan.

Meelaha ugu badan ee madaafiicdaas laga ganayay waxaa kamid ahaa Madaxtooyada oo hoy u ahayd Shariifka.

Dhulkaas waxaa ka dhacay dhimasho xad daaf ah, barakac aanan abid ka dhicin iyo burbur hantiyeed oo aaney illaa iyo hadda kasoo kaban qoysaska qaar.

Ninkii intaas oo tacaddi ah geystay ayaa wuxuu haatan taageero qabyaaladeed ka doonayaa beesha Mudulood, mana ogi in beeshi illowday dhibkaas iyo in looga faa’iideysanayo culeyska iyo dhibaatada heysata!

Xassan Sheekh & Mudulood

Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu beesha Mudullood u geystay dhibaato aanay si sahal ah uga soo kaban doonin dhab ahaantii.
Markii uu madaxweynaha ka ahaa DFS wuxuu sabab u noqday in 5,000 (shan kun) oo muruq maal ah una badan beesha Mudulood laga cayriyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradaas waxay noqdeen kuwa tahriiba oo qaarkood saxaraha Liibiya iyo badda Medetarenianka ku dhinta kuwa la ciidamaysto oo dano siyaasadeed lagu raadsado iyo qaar illaa maanta baagamuundo ku ah Muqdisho.

Madaashkii uu Xassan ka helay gabood falkaas iyo kuwii lamidka ahaa wuxuu guryo qaali ah kaga iibsaday dalalka Tanzania iyo Turkiya waxaana layaab leh ninka sidaa sameeyay inuu maanta garab istaag qabyaaladeed ka raadinayo beesha Mudulood!!

Farmaajo iyo Mareexaan

Maxamad Cabdullaahi Farmaajo dhankiisa wuxuu waayahan waday ol’ole qabyaaladeed oo uu ku doonayo in uu gobolka Gedo uga riixdo ciidamada Axmed Madoobe.

Farmaajo ayaa wuxuu abaabulay malleyshiyaad u badan degaanka iyo odayaal dhaqameedyo kuwaasoo todobaadyadii lasoo dhaafay jeedinayay hadallo xanaf leh.

Ciidankii uu geeyay Doolow waa tii uu u khudbeeyay sarkaal Itoobiyaan ah una sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya hal dal yihiin.

Mudada uu madaxweynaha yahay Farmaajo waxaa gobolka Gedo ka dhacay tacaddiyo badan oo ay geysatay Kenya sida:- duqeymaha joogtada ah, kufsiga gabdhaha iyo dhul ballaarsi ay xukuumadda Nairobi kusoo sameysay degmada Beledxaawo.

Arrimahaas oo dhan Farmaajo kamuuna hadal mana ka tacsiyeyn taa badalkeedana wuxuu mar walba tacsi iyo damqasho la garab taagnaa Kenyaatiga.

Dhacdadii Manda Bay, Lamu, wuxuu si degdeg ah ugu tacsiyeeyay Mareykanka, iyadoo uusan ka tacsiyeyn duqeymo ay Kenyaatigu ka geysteen Gedo iyo Jubbada Hoose, habeen ka hor weerarkaas.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tagay Caabudwaaq uu soo dhagax dhigay dhismaha xabsi weyn, xilli bulshadu ay qabtay baahiyo kale una baahnayd in wax looga qabto!

Isagana wuxuu doonayaa inuu sameeyo awrkacsi qabyaaladeed maadaama uu waqtiga kasoo dhammaanayo.

Xassan Cali Kheyrre & Murusade

Xassan Cali Kheyrre, wuxuu Ra’iisulwasaare-nimada ka hor u shaqeyn jiray hey’ado samafal oo ay ugu badan yihiin kuwa Norway mana jiraan wax muuqda oo uu u qabtay beeshiisa.

Nin oday ah oo kamid ah beesha ayaa ii xaqiijiyay in muddo 10 sano laga joogo ay qabiil ahaan uga dalbadeen lacag qaaraan ah oo Galgaduud looga qorayay Ceel biyood wuxuuna diiday inuu qaaraankaasi bixiyo, haddana qudhiisu wuxuu doonayaa inuu taageero ka helo odayaashaas iyo beeshaba.

Farriin Ku Socota Qabaa’ilka Soomaaliyeed

Maalinta qiyaamaha wuxuu Fircown qoomkiisa ku hogaamin doonaa meel loo arooro halka u xun sababtoo ah waxay ahaayeen kuwa uu ku awr kacsado oo uu u adeegsado diin la dirirka iyo taageeridda fakarkiisa wasakheysan.

Haddaba haddii ay maanta dhacdo in qabaa’ilka qaarkood loo adeegsado sidii wadankan loogu qabsan lahaa Xabashida, sidii ummadda loo kala qeybin lahaa, sidii gumeystaha iyo mashruuciisa loo taageeri lahaa, miyaaney halis ahayn.

Qabaa’ilka sharafta leh ee Soomaaliyeed, waxaan ku boorinayaa iney ku daba faylaan dadkooda akhiyaarta ah oo ay ugu horreeyaan culimada, kana haraan siyaasiyiinta khawanada ah si aysan u noqon (ma liibaanayaasha lagu liibaanay).

W/Q Warfaa Kheyrdoon

kala xiriir Facebook:
https://www.facebook.com/warfakheyrdoon1/

Related Items

Update cookies preferences