Video: Maamulka degmada Dayniile oo Tacdiibin iyo Jirdil ugeystay Wiil bartaha Facebook-ga ku dhaliilay siyaasadda dowladda.

Thursday April 30, 2020 - 08:22:35
Liibaan Jeexoow
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaawday dhaqan cusub oo ay ku tacdiibinayso dhamammaan dadka dhaliila hab maamulkeeda.


Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxaa laga furay xabsiyo qarsoodi ah oo lagu xiro dadka baraha bulshada ku dhaliila siyaasada Farmaajo iyo kheyre, guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa dib uhowlgeliyay guryo ay laheed dowladdii dhexe halkaas oo laga dhigay xabsiyo lagu dhibaateeyo dadka dhaliila dowladda.

Bulshaawi Axmed Xasan oo kamid ahaa dadkii Facebook ku dhaliilay DF-ka ayay ciidamada booliska degmada Dayniile gacanta ku dhigeen waxayna ugeysteen xarig iyo tacdiibin aad u daran, Video lagu baahiyay baraha bulshada waxaa kasoo muuqanayay ciidamo katirsan maamulka degmada oo si xun ugaraacaya dhibanaha islamarkaana xilli habeen ah dushiisha biya ku rushaynaya.

Guryaha lagu tacdiibiyo dhalinyarada ayaa kuyaal degmada Dayniile waxaana lagu magacaabo Cusboole, waa dhismayaal gaboobay oo ay dhistay dowladdii dhexe, shacabka magaalada Muqdisho oo dhibsaday bandawga iyo jujuubka ay kusoo rogtay dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhigayay dibad baxyo ay uga dhiidhibanayaan dhibaatada haysata.

Farmaajo iyo Kheyre oo sheegan jiray in ay ilaalinayaan karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda umuuqda kuwa ku tumanaya shacabka Muqdisho, dilalka iyo dhaca ay ciidamada DF geysanayaan ayaa joogta ka ah degmooyinka gobolka Banaadir.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences