Wadaadada Halgamaya maxay inoo yihiin? W/Q: Wadaadyare Xaashi

Monday July 20, 2020 - 17:20:41
Liibaan Jeexoow
Sheekh Fu'aad (Bidix) sheekh Mahad Warsame (Midig).
Sheekh Fu'aad (Bidix) sheekh Mahad Warsame (Midig).
Bina aadamku waa daciif hase ahaatee wuxuu alle siiyay maskax uu kaga soocan yahay xayawaanka Waxa aynu ku jirnaa wakhti ka duwan cusuurtii hore, xaqiiqada oo muruxsan oo la soo bandhigaa kuma filna in ay dadku fahmaan sababta oo ah waa hore ayaa lagu shubey bidcooyin iyo shubuhaad u baahan in lala galo loollan adag.


Waa in xaqiiqada loo dhigaa qaab sheekooyin murti iyo madadaalo ah oo maskaxda carinaya islamarkaana qofka fahamsiinaya wakhtiga lagujiro iyo waxa loo baahan yahay.

Waddankeenna waxa lagusoo qaadey weerar waxa iskusoo bahaystay saliibiyiin ay muddo dheer colaadi inaga dhaxeysay iyo calooshood u shaqeystayaal shisheeye kuwaas oo raba in ay badaheenna qaataan khayraadka waddankeennana boobaan loona bixiyey magaca "Peace keepers” nabad ilaaliyeyaal. Shisheeyahaas waxa loo baaha yahay in halgan naf iyo maal ah lala galo oo laga xoreeyo waddanka iyada oo la taageerayo culimada.

Haddaba akhristow bal aynu is weydiinno su’aasha odhanaysa "Wadaaduhu maxay inoo yihiin?”.

Jawaabta oo koobani waxay noqoneysaa sidan: Waa hore waxa jiray nin sheekh ahaa, sheekhaa waxaa ag deganaa gabadh carruur agoon ah haysatay, caruurtaas aabahood waxa ka dilay qolyo shar badnaa oo ay deris ahaayeen. Marar badan waxa ay isku dayeen iney haweenayda dhacaan oo qasab ku dumaalaan laakiin uma ay suurto gelin oo wadaadkaa kaga qayliyey.

Caalimkii oo gabadha ka naxay ayaa bilaabay in uu mushahharkiisa laba u qaybiyo oo qayb kamida uu carruurta agoonta ah siiyo. Waxa uu sameeyay dariiqo yaab leh oo qarsoon, sideedabana sadaqadu wax ay ku wacan tahay marka ay sir tahay oo adiga iyo Alle keliya ay idinka dhaxayso.

Sheekhii wuxuu u tagey baytul maalkii magaalada oo uu ka dalbaday in ay lacagtaas siiyaan gabadha agoonta haysata ee ninkeedii laga diley, Wadaadkii noloshii way ku adkaatey sababta oo ah mushaharkiisii oo aan awalba ku filneyn ayuu sii kala qaybiyey.

Gabadhii carruurta haysatey nasiib darro subax walba wadaadka waxa ay ku caayi jirtey in uu bakhaylyahay dabadiisa way ka xaman jirtey. Wax waqtigu socdaba maalintii dambe ayaa sheekhii xaqii alle u yimid, waa uu geeryoodey. Haweenaydii waxa ka istaagey musharkii billeha ahaa ee gurigeeda loogu keeni jirey, kadib waxa ay u tagtey ninkii u keeni jirey biilka kolkaasuu u sheegay in sheekhii ay jaarka ahaayeen ee geeriyoodey uu biilkeeda bixin jirey balse hadda aaney jirin cid kafaalo qaadi karta oo bina aadam ahi. Haweenaydii waxa ay murugootey murugo aan weligeed hore u soo marin maxaa yeelay ninkii ay caayi jirtey baa ahaa ninka ilaahay fadligii quutul yawmkeeda bixin jirey.

Haddaba shacabka soomaaliyeed maanta waxa ay u muuqdaan qaar bilaa hoggaan ah oo agoon ah, wadaadihii difaaca sharaftooda u taagnaana xamanaya!.

Soomaaliya nasiibkeed!
W/Q: Wadaadyare Xaashi


Related Items

Update cookies preferences