Heshiis Nabadeed Mise Gummeysi cusub! W/Q: Wadaadyare

Thursday September 17, 2020 - 17:20:11
Liibaan Jeexoow
Iyada oo horeba loo ogaa in hogaamiyeyaasha carabtu ay xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen dawladda Israa'iil ayaa haddana waxa aad loo hadal hayaa heshiiskii layaabka ahaa ee shaley ka dhacey washington. Kaas oo ay madaxda Imaaraatka, Baxreyn iyo yuhuuddu kala sexeexdeen wax loogu yeedhay heshiis nabadeed maraykankuna uu goobjoog ka ahaa.


Heshiiskan oo ka fogaa xaqiiqada ayaa durbadiiba waxa ka soo horjeestay guud ahaan shucuubta muslimiinta gaar ahaan dadyawga carbeed.

Ka qoraa ahaan fadliga ilaahay waxa aan wax ku qoraa mareego kala duwan, markastana waxa aan isku dayaa in aan maskaxda tuujiyo oo caqli ahaan aan akhristeyaasha ku qanciyo, dad badan oo qoraalladeyda ammaana waan arkaa sida oo kale cid dhaliishana ma waayo.Muhiim ma aha magacyada aan wax ku qoro oo kala duwan ee waa in qoraalku yahay mid xaqiiqada ka turjumaya isla markaana danaha ummadda u adeegaya.

Haddaba waxa jira dad ku doodayey in ay wax caadi ah tahay yuhuudda oo lala heshiiyaa!mandiq ahaanwaxyaabaha ugu badan ee heshiiska la iska weydiinayaa waxa weeye: Dawlad kastaa waxa ay leedahay afar tiir oo aas aasi ah oo kala ah dhul xadeysan, dad, maamul sharci ah iyo dastuurkii dadku ku kala bixi lahaa. Markaa su’aashu waxa ay tahay Israa’iil ma leedahay dhul xadeysan oo laysla garanayo?.


Intee loo aqoonsadey iney yeelanayso dhul ahaan yuhuuddu, iyagoo awalba soo galeeti ku ahaa dhulka ay hadda haystaan? Hogaamiyeyaasha carabtu intee u ogol yihiin yuhuudda? Sow lama oga in isra’iil tahay waddanka keliya ee adduunka taas oo aan lahayn xuduud sugan isla markaana kolba intii ay qabsato sheegata!.

Falastiin oo ah goobta uu ku yaallo masjidka barakeysan ee al aqsa ma waxa ay madaxda carabtu u aqoonsan doonaandhul yahuudeed?

Su’aalahaas oo taagan ayaa haddana waxa uu shaley caddeeyay Binyamin natanyahu oo ah reysal wasaaraha israa’iil in dawlado badan oo carbeed ku soo biiri doonaan waxa loogu yeedhay wadahallada nabadda. Arintaas oo ah dulmi weyn iyo gumeysi hor leh hase ahaatee qiso xigmad miidhan ah oo dad badani weriyaan baa waxa ay tiraahdaa:


Waa hore saxaraha carabta waxa ku noolaa qoys ka koobnaa wiilal, walaashood oo gashaanti ah, aabahood iyo eeygoodii adhiga u raaci jirey. Maalintii dambe ayaa nin qariib ahi diley eygoodii kolkaas bay aabahood tashi kula noqdeen isna waxa uu ku yidhi "Ninkii eyga diley dila”. Dabadeed innamadii waa ay yaabeen oo yidhaahdeen ma qof dhan baanu ey dartii u dilnaa?! Kadib waa ay iska tageen.


Maalin dambe ayaa haddana wiilashii geelii laga dhacey markaas bay haddana aabahood tashi kula noqdeen... Aabo geeleennii waxa dhacay niman cadow ah oo shisheeye ah, isna hadalkii hore buu ugu celiyey "ninkii eyga diley dila”. Iyaga oo yaabban hoostana ka leh ey iyo geel maxaa iska galey ayey iska dhaqaajiyeen. Haddaba wiilashii oo iska jooga ayaa dharaar dambe walaashood laga dafey oo qoys kale dhabar garaacdeen misna la aqal galeen iyagiina odeygii aabbahood ahaa bay arrinkii uga warrameen oo talo weydiiyeen, isna sidiisii hore uun buu u yidhi "ninkii eyga diley dila”.


Maalintaas baa wiilashii qaateen taladii aabbahood kaddibna ay dileen ninkii eyga diley, dabadeed waxa dhacey arrin yaab leh. Reerkii geelooda la dhacey inantoodana la qafaashey nin bay eey u dileen, warkii baa faafey. Kolkaasaa nimankii geela dhacey soo tubeen irridii qoyska geelii oo aaney hali ka maqnayn. Kuwii inanta qafaashey baa iyagna soo celiyey inantii dabadeedna inantii u soo dooney ugaaskoodii.Qisadani waxa ay ka hadleysaa dulmiga ugu yar ee aad ka dhiidhidaa waxa uu ka hortagaa dulmiyo kale oo kugu dhici lahaa, carabtuna haddii waagii horeba ay qaddiyadda falastiin meel uga soo wada jeesan lahaayeen caqiidadoodana adkeyn lahaayeen yuhuud lama arkeen.

Wabillaahi Tawfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi

Related Items

Update cookies preferences