Halku dhiggii Xuuthiyiinta eE ahaa" Ha dhinto Mareykanka" iyo "Lacnad haku dhacdo Yuhuudda" oo Beenoobay Warbixin.

Thursday November 20, 2014 - 09:21:42
Super Admin
Wargeyska Al-Carabi Al-Jadiid oo soo xiganaya ilo wareedyo ku dhow dhow dowladaha Yemen iyo Mareykanka ayaa daabacay in madaxa Xafiiska siyaasadda ee kooxda Shiicada Xuuthiyiinta ninka lagu magacaabo Cali Al-Cammaad uu gaaray magaalada Washintong, isagoo ka amba baxay magaalada Sanca, siina maray dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo kulan siyaasadeed ah oo lagu dhex dhaxaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Yemen.


Booqashadani waxay noqoneysaa tii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan Xuuthiyiinta uu ku tago dalka Mareykanka, tan iyo intii sanadkii 2003-dii ay Shicaarkooda ka dhigeen " Ha dhinto Mareykanka" iyo "Lacnad haku dhacdo Yuhuudda", waxay sidoo kale tani noqoneysaa markii ugu horreysay ee Safaaradda Dowladda Kirishtaanka Mareykanka ay ku leedahay magaalada Sancaa ay Fiiso dal ku gal ah siiso hogaamiye Xuuthi ah.

Ilo wareedyadu waxay warkooda intaas ku darayaan inay jiraan dhinacyo siyaasadeed oo ku sugan magaalada Washintong oo ku qanciyanaya mas'uuliyiinta ugu sarreeya Mareykanka inay ka qeyb galaan shirkaas ka dhacaya magaalada Caasimadda ah, iyadoo dhinacyadaas ay doonayaan in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joo Baaydan inay ku qanciyaan ka qeyb galka kulanka ka dhici doona Hotelka Maadyasoon, laakiin Baaydan ayaa illaa iyo hadda taagan mowqif laba labeyn ah oo ku aadan ka qeybgalka shirkaasi.

Sida ay xusayaan ilaha uu soo xiganayo Wargeyska "Al-Carabiyu Al-Jadiid, Agaasimaha Xafiiska Madaxtooyada ee dowladda daba dhilifka ee Yemen Axmed Ciwad Bi Mubaarak iyo ku xigeenka Wasiirka arrimaha gudaha ayaa Xukuumadda Sancaa u matali doona Shirka ka dhacaya magaalada Washintong, waxaana kulankani ahmiyad gooni ah siinaya dowladaha reer galbeedka iyagoo doonaya inay isku soo dhaweeyaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Ka qeyb galidda Xuuthiyiinta ee Shirka ka dhacaya magaalada Washintong waxa ay si cad uga marqaati kaceysaa inay waxba kama jiraan tahay Shicaaraatka been abuurka ah ee Shiicada dalka Yemen ay boorarka ku xardhaan oo ay ku sheegaan inay col la yihiin Mareykanka Yuhuudda, laakiin dad badan oo Muslimiin ah oo horey ugu khaldi jireen Shicaaraatkaas aan afka baarkiisa dhaafsiisaneyn ayay tani baraarug u noqon doontaa.

Shiicada Xuuthiyiinta ah iyo Mareykanka waxay ka simanyihiin dagaalka ay kula jiraan dadka Ahlu Sunnaha ah gaar ahaan dagaalka ka socda dalka Yemen, iyadoo Xuuthiyiinta iyo Mareykankuba ay isku mid ah xamlo wada jir ah ugu hayaan Mujaahidiinta dalka Yemen.

Diyaaradaha duuliye la'aanta ee dowladda Nasaarada Mareykanka ayaa duqeymo joogto ah waxay ku beegsataa Mujaahidiinta Ansaaru Shareecaha iyo Qabaa'ilka Sunniyiinta ah ee ka dhiidhinaya dulmiga ay Shiicadu ku hayaan dadka Ahlu Sunnaha ah, mana la sheegin taariikhda wax duqeymo ah oo Mareykanku ku beegsaday Maleeshiyada Shiicada ah ee ka dagaallama dalka Yemen, waxaana meeshaas ka cad inaysan jirin wax khatar ah oo ay ku yihiin danaha Mareykanka, inkastoo ay Shicaaraatkooda iyo hadallada ay jeedinayaan mas'uuliyiintooda ay ku sheegaan inay cadow u arkaan Mareykanka, haddana waxaas taas loo fasiran karaa mid ay ra;yul Caamka ku khadlayaan.

Qabsashadii Xuuthiyiinta ee magaalada Sancaa' ayaana si cad daaha uga qaaday inay yihiin daba dhilifyo u adeega danaha iyo masaalixda dowladaha gaalada kuna gabbanaya magaca Diinta, iyadoo waxyar kadib la wareegitaankooda magaalada caasimadda ay Ciidamo badan hor dhoobeen Safaaradda uu Mareykanku halkaas ku leeyahay si ay Mujaahidiinta uga ilaaliyaan.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in Dowladda Shiicada ee Iiraan ay awaamiir dul dhigtay kooxda Xuuthiyiinta, waxaana awaamiirta la siiyay ka mid ah inay gebi ahaanba joojiyaan Shicaaraata ka dhanka ah Mareykanka iyo Yuhuudda.

Ilo wareedyo xog ogaal ah oo uu soo xiganayo Wargeyska lagu magacaabo Al-Ceyn Onile waxay sheegayaan in labada dhinac waa Tahran iyo Xuuthiyiinta;e inay wada gaareen heshiis buuxa oo arrinkaas ku aadan, qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in Xuuthiyiintu ay sameystaan Shicaar cusub oo aan ka tarjumeyn wax cadaawad ah oo ka dhan ah Yuhuudda iyo Mareykanka.

Afhayeenka Kooxda Raafidada ah ee dalka Yemen Cali Al-Bukheyti oo ka qeyb galayay kulan dhowaan ka dhacay magaalada Sancaa oo arrinkaas looga hadlayay wuxuu si dadban u sheegay inay wadaan qorshayaal ay go;aan uga gaarayaan Shicaaraatkooda.

" markaan leenahay ha dhinto Mareykanka ulama jeedno ha dhintaan Shacabka Mareykanka ama ha dhinto dalxiisaha, Saxafiga, ganacsadaha iyo Shaqaalaha caadiga ee Mareykanka, ee waxaan ula jeednaa ha dhimato siyaasada Mareykanka ee colka ku ah Mandiqadeenna" ayuu yiri Cali Al-Bukheyti.

Related Items

Update cookies preferences