Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo gubay markab laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Saturday February 24, 2024 - 13:32:41
Liibaan Jeexoow
Taliska dhexe ciidanka badda Mareykanka ayaa markale ku dhawaaqay in kooxaha Xuuthiyiinta ay weerar culus ka geysteen biyaha wadanka Yemen iyagoona beegsaday markab sida shixnado nafto ah.
Markabkan oo uu ka babanayay calanka jaziiradda Belize balse urarnaa shirkad laga leeyahay wadanka Ingiriiska, sida lagu sheegay warka kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka markabka waxaa gaartay waxyeello weyn isagoona billaabay in uu badda gunteeda ku gubo gaas iyo maadooyin kiimiko ah oo uu siday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saaruukh nuuc lidka maraakiibta ah oo ay soo rideen kooxaha Xuuthiyiinta uu sababay in qeyb ahaan uu dab qabsado markabkan laga leeyahay dalka Ingiriiska.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in markabka labeegsaday uu sido inkabadan 41 kun oo Tan kiimiko ah kuwaas oo ubadan maadooyinka lagu bacrimiyo beeraha.

Waxaa laga digayaa in haddii uu markabkan ku dego badda cas ay ka dhalato musiibo weyn oo halis gelin karta noola badeedka iyo dadka deggan hareeraha badda cas.

Kooxaha Xuuthiyiinta ee wakiilka ka ah dowladda Shiicada Iiraa ayaa weli umuuqda in ay ku firfircoonyihiin weerarada ka dhanka ah maraakiibta ka dhanka ah reergalbeedka ee isticmaala biyaha badda cas iyo gacanka cadmeed.

Mareykanka iyo xulufadiisa reergalbeedka ayaa bishii lasoo dhaafay wadanka Baxreyn uga dhawaaqay isbahaysi ballaaran oo ay ku difaacayaan maraakiibta shixnahada usida maamulka Yahuudda ee xasuuqa ku haya shacabka faalsdiin.

Related Items

Update cookies preferences