Sawirro: Taageerayaasha Abiy Axmed oo dhigay dibad baxyo ka dhan ah reergalbeedka iyo TPLF.

Monday November 08, 2021 - 11:35:22
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Itoobiya ayaa soo abaabushay dibad baxyo waaweyn oo lagu diidanaa faragelinta dowlada reergalbeedku ay ku hayaan arrimaha gudaha wadankaas iyo dagaalka jabhada TPLF.


Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shalay ay dibad baxyo ballaaran gilgileen Addis Ababa iyo hareeraheeda waxayna taageerayaasha Abiy Axmed muujiyeen sida ay ugasoo horjeedaan kooxda fallaagada Tigreega.

Saxafiyiin ku sugan caasimadda itoobiya waxay sheegeen in tobanaan kun oo taageersan Abiy ay isugusoo baxeen fagaaraha weyn ee mesekal waxayna dhigayeen dibad baxyo ka dhan ah dowladaha reergalbeedka oo ay ku eedeeyeen in ay ujanjeersadeen dhanka Tigreega.

Dadka iskusoo baxyada dhigayay ayaa watay booraray ku qoranyihiin erayo ay kamid ahaayeen "dadka american-ka ah yaysan dib noogusoo laaban, sidii hore maanta ayaan ka wanaagsanahay".

Taageerayaasha dowladda ayaa warbaahinta ugu caansan wadamada reergalbeedka sida CNN,BBC iyo Reuters ku eedeeyay in ay lasafteen TPLF ayna dalka ka faafinayaan warar been abuur ah.

inta badan dowladaha reergalbeedka ayaa digniino kasoo saaray colaadda itoobiya waxayna muwaadiniintooda ku amreen in ay dalka isaga baxaan.

farriimahan diblumaasiyadeed ayaa ka caraysiiyay xukuumadda itoobiya, xukuumadda Addis Ababa ayaa ganafka ku dhufatay dhammaan baaqyada ah in ay xabadda joojiso islamarkaana ay wadahadal lagasho kooxaha mucaaradka hubaysan ee ku goodinaya in ay uruuqaansadaan dhanka caasimadda.








Related Items

Update cookies preferences