SOMALIMEMO oo Shaar cusub loo huwiyay horumarin ballaarana lagu sameeyay.

Wednesday November 24, 2021 - 14:00:30
Liibaan Jeexoow
Alle mahaddiis Waxaa si guul ah kusoo idlaaday dib uhabayn maalmihii lasoo dhaafay lagu hayay dhammaan Website-yada shabakadda Islaamiga ah ee SOMALIMEMO.
Sida aad ka aragtaan muuqaalka design-ka Website-yada shabakadda isbedel ballaaran ayaa lagu sameeyay, waxaa labedelay nashqaddii ay SOMALIMEMO ku shaqeynaysay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Howlwadeennada shabakadda ayaa dadaal dheeri ah ugalay sidii horumarin loogu sameyn lahaa shaqada ay SOMALIMEMO uhayso bulshada Soomaaluyeed marxaladaan adag ee uu dalku marayo.

Nashqaddan cusub ee shabakadda lahuwiyay ayaa ka duwan kana casrisan middii hore wuxuu akhristu heli doonaa masaaxo waasac ah, sidoo kale design-kan ayaa akhristayaasha isticmaala Mobile-da fursad usiinaya in ay si wanaagsan udaalacan karaan dhammaan wararka iyo warbixinnada lagusoo daabaco Page-ka SOMALIMEMO.



Marka aad booqato wajhadda SOMALIMEMO.COM ama SOMALIMEMO.INFO waxaa kuusoo dhacaysa farriin ah in aad rukuman karto akhbaaraadka shabakadda si ay wararku kuugusoo dhacaan hadba Browserka aad isticmaalaysid.

Qeybaha cusub ee aan soo kordhinay waxaa kamid ah Suugaanta sida gabayada waxaa kale oo aan soo kordhinay qeyb aad ka heli kartaan muxaadarooyinka culimaa'udiinka soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

SMEMO wuxuu kamid yahay mareegaha Soomaalida kuwooda ugu akhristayaasha badan wuxuuna soo shaqeynayay lagasoo billaabo sanaddii 2009-2021.

Insha'Allaah waxaan shacabka Soomaaliyeed uballan qaadaynaa in aan sii wadi doonno howsha warbaahineed ee aan uhayno, Alle fadligiis 12-kii sano ee aan shaqeynaynay ayaan soo gudbinnay warar iyo warbixinno xaqiiq ah oo ka jiray gayiga Soomaaliya xilli warbaahinta soomaalida badankeed ay noqotay mid dhan kale uraran.

wixii tala iyo tusaale ah noogusoo gudbin kartaan


Email: [email protected]

ama qeybta xiriirka bulshada ee Telegram

Related Items

Update cookies preferences