Dagaalyahan ka dhashay beesha Mareexaan oo fuliyey Weerarkii Naf hurnimo ee lagu beegsaday Caddaanka [Dhageyso].

Monday November 29, 2021 - 14:00:12
Liibaan Jeexoow
Cali Nuur Muumin Galaal oo ku magacdheeraa Muxsin kunyadiisuna tahay Abuu Zudeys ayaa ahaa dagaalyahankii fuliyay weerarkii naf hurnimo ee khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Hodon ee Muqdisho.

Dagaalyahankan oo da’diisu aheyd 35 sano jir ayaa ka dhashay beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Uur-Midig.

Wuxuu ku dhashay degmada Balad-Xaawo ee wilaayada Gedo sanadku markii ahaa 1986-kii halkaas ayuuna kusoo barbaaray kuna soo qaatay waxbarashadiisii aasaasiga.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab ayaa baahisay dardaarkan dagaalyahankan weerarka naf hurnimo ku qaaday saraakiil Caddaan ah xilli ay ku socdaalayeen agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim.

ama ku dhageyso Facebook

Xigasho: Radio Andalus

Related Items

Update cookies preferences