Dadka American-ka ah ee u dhintay Covid19 oo Hal Malyan ku dhow.

Sunday February 06, 2022 - 17:04:36
Liibaan Jeexoow
Caabuqa safmarka ah ee Covid19 ayaa markale halaag daran ka geysanaya wadanka Mareykanka laba sanadood kadib markii Virus-kan lagu arkay dalka.
Tirakoobyo rasmi ah oo soo baxay ayaa muujinaya in Mareykanku uu xajistay kaalinta koowaad ee uu caalami ahaan ku hoggaaminayo dalka ugu daran ee dadkiisu ladhibanyihiin Corona Virus.

Shalay oo kaliya waxaa Covid19 dalkan ugu dhintay dad gaaraya 2,368 ruux halka uu soo ritay 331,810 ruux sida uu faafiyay website-ka worldometer ee diiradda saara arrimaha Viruska Corona.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in labakaclaynta cudurka ee gobollada dalka Mareykanka ay sare ukacday bishii lasoo dhaafay waxaana Covid19 udhintay 30 maalmood gudahood ku dhowaad 100 kun oo ruux taas oo ka dhigan in Mareykanku uu dib ugu laabanayo sidii uu xaalku ahaa ka hor imaanshiyihii Joe Biden.

Jaamacadda caafimaadka Johns Hopkins ee rasmi ahaan usoo gudbisa faafintaanka Covid19 ee dalka Mareykanka ayaa warbixin ku sheegtay in tirada dadka udhintay ay ku dhow yihiin hal malyan oo ruux American ah.

Wadarta guud ee dadka Corona ugu dhintay Mareykanka waxay gaaraysaa 900,2728 [sagaal boqol oo kun iyo 2728], tani ayaa ka dhigan in USA uu yahay dalka ugu dhimashada iyo bukaanada badan caalamka waxaana kusoo xiga dalalka Baraaziil iyo Hindiya.

Related Items

Update cookies preferences