Daawo Sawirro:Uganda Oo U Barooratay Askar Looga Dilay Howlgalkii Xarunta Baarlamaanka Muqdisho.

Saturday May 31, 2014 - 19:21:00
12880
Super Admin
Dowladda Uganda ayaa u barooratay askar loog laayay dalka soomaaliya xilli shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah uu xoojiyay halganka uu kula jiro shisheeyaha Uganda Kamid tahay.
Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa laga dhoofiyay meydadka sedax askari oo ciidanka calooshood u shaqeystayasha Uganda loog dilay weerarkii dhawaan ka dhacay xarunta baarlamaanka.

Col. Geoffrey Muheesi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Uganda ee Soomaaliya ayaa isagoo ilimaynaya yiri " waxaan sagootinay saaxibadeen qaaliga ah runtii argagaxisada dishay arxan malahan dhammaanteen waa in aan dhimannaa anagoo nabad dhalinayna ama ilaalinayna”.

Soo duulayaasha Uganda maalmo gudahood soomaaliya looga dilay 12 askari weeraradaasi oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Qoryooley balse meydadka askarta Qoryooley loog dilay wali soomaaliya lagama qaadin.

Madaxweynaha Uganda ayaa ka ganacsada dhiigga dhalinyarada wacallada ubadan ee kaniisadaha iyo kalaabyada lagasoo aruuriyay,bil walb ayay dowladda Uganda lacago malayiin dollar ah ka qaadataa Q.Midoobe waxayna ciidamo ka joogaan soomaliya,Koonfurta Suudaan,Daarfor,Afrikada dhexe iyo Kongo DR.


somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net

Related Items

Update cookies preferences