Kadib markii lacagta dalkoodu qiima beeshay Dadka Ruushka oo bilaabay in ay lacagahooda dahab ubedeshaan [Warbixin].

Thursday March 24, 2022 - 11:26:05
Liibaan Jeexoow
Dagaalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine ee galay todobaadkii afaraad waxa uu dhulka la galay dhaqaalihii Ribada ku dhisnaa ee dowladda Ruushka, heer hadda ay mareyso in ganacsatada iyo maal qabeennada ay ku kalsooneyn lacagta Robelka ee Ruushka, una bedelanayaan dahab iyo qalin, oo ah lacag adag oo la isku halleyn karo.
Si gaar ah dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Moskow ayaa ah kuwa ugu badan ee bankiyada dhooban, doonayana in lacagahooda ay u bedeshaan dahabka iyo qalinka iyo macaadinta kale ee qaaliga ah.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka waxay muujinayaan dad aad u farabadan oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay lacagahooda ugu bedelan lahaayeen dahab, qallin iyo macaadinta kale, waxaana masuuliyiinta bunuukta Ruushka ay tilmaamayaan in afar jeer ay siyaadeen dadka imaanaya bankiyada, iyadoo ujeedkoodu yahay in lacagahooda ay dahab ka dhigtaan.

Waxay sheegayaan shaqaalaha ka howglala bankiyada Ruushka in 20kii daqiiqaba uu dhamaado dahabka yaala bankiga, taasoo keensaneysa in keydka laga soo bixiyo dahab kale, waana arin taariikhi ah oo aan horey loogu arag dalka Ruushka, sanadihii ugu dambeeyayna dadku waxay ku kalsoonayaan lacagaha waraaqaha ah ama kuwa Electronic ahaan loo tuuro.

Dadka waaweyn ee da’da iyo xitaa dhalinyarada ayaa ka siman rabitaanka in lacagta Robelka ay u bedeshaan lacagaha adag ee qiimaha leh, waxayna tasi ku tusineysaa sida dadka Ruushka ay uga cabsi qabaan in inta ka dhiman dhaqaalahooda uu dhulka galo, haddii uu sii socdo dagaalka ay dowladooda kaga jirto Ukraine.

40% lacagaha bunuukat la dhigto waa dahab ama wax u dhigma, shaqaalaha bankiyada Ruushka ayaana sheegaya in hadda ay soo badanayaan dadka furanaya akoonnada la dhigto dahabka iyo lacagaha lamidka ah, lagana soo tagay akoonnadii lacagaha caadiga ahaa.

Dowladda Ruushka ayaa quus ka muujineysa tasarufaatka shacbkeeda ee ku aadan tallaabada ay lacagta Robelka kaga tagayaan, kuna bedelanayaan dahabka iyo wixii lamidka ah, waxaana inkastoo ay dareemeyso waxa arinkan ku riixaya dadka ay hadana soo jeedisay in arinkaas laga laabto.

Ku xigeenka wasiirka maaliyadda ee dalka Ruushka oo ka hor hadlayay aqalka baarlamaanka ee dalkaas ayaa sheegay in wax macquul ah aaney ahayn in dadku lacagahooda ku bedelaan dahabka, kadiban ay barkinnada hoostooda dhigtaan.

Arinkaas ayuu ku tilmaamay mid faa’iido darro ah, loona baahanyahay in dadku walaaca iyo cabsida baaxadda leh iska dhaafaan, lacagta Robelkana isticmaalaan si ay ugu suuragasho iney wixii ay aduunyada kaga baahdaan usoo gataan, waa sida uu hadlaka u dhigaye.

Horey waxay dowladda Ruushka u qaaday tallaabo ay ku fududeneyso in dadku ay lacagahooda ku bedelan karaan dahabka, si ay uga taxadarto in culees uu kaga soo furmo gudaha dalka, waxaana la joojiyay lacag dhan 20% oo laga qaadayay dadka doonaya in dahab ay u bedeshaan hantidooda.

Bankiyada Ruushka ayaa hadda qorsheynaya iney sii ballaariyaan xafiisyada ugu furan gudaha dalka Ruushka, si loo ajiibo dalabakaad xowliga ah ee ka imaanaya, kuna doonayaan in lacagahooda loogu bedelo dahab, qalin ama macdan u dhiganta.

Golaha caalamiga ee Dahabka ayaa sheegay in sanadkii tagay dowladda Ruushka ay iibstay 46 tan oo dahab ah, hase ahaatee dalabka maxalliga ee dahabka uu isaguna aad ugu kordhey, heer dadka dahabka soo dalbaday ay gateen 41.5 tan oo kamid ah dahabkii ay islahayd Ruushku hakuu noqdo keyd in muda ah aad ku baxsato.

Sababo ku aadan cunqabateynnada ay Maraykanka iyo dowladaha reer Yurub kusoo rogeen Ruushka, waxaa la xayiray keydadkii dahab oo bankiga Ruushku ku lahaa qeybo kamid ah caalamka, taasina waa mida horseeday culeeska ay hadda dareemeyso dowladda Ruushka oo aan awoodin iney lasoo baxdo keydadka ay ku leedahay bankiyada caalamka.

Bankiga dhexe ee Ruushka ayaa sanadkiiba wuxuu faafin jirey waxa uu ka koobanyahay keydka asalka ee dalka, todobaad kastana waxaa la baahin jirey xogta ku aadan xajmiga uu la egyahay, laakiin tan Bishan Marso ee socota, waxaa gebi ahaanba uu bankiga joojiyay arimahaas, iyadoo sida muuqata la diidayo in dadku dareemaan dhaqaale darida baahsan ee ay dowladdu la taaheyso.

Dhinac kale waxaa lagu soo waramayaa inuu dillaacay khilaaf adag oo soo kala dhexgalay masuuliyiinta dalka Ruushka, khilaafkaas oo salka ku haya dagaalka uu Ruushku kaga jiro dalka Ukraine.

Masuuliyiin katirsan dowladda Maraykanka oo la hadlay warbaahinta reer galbeedka ayaa shaaciyay iney helayaan xogo tilmaamaya in khilaaf adag uu soo kala dhexgalay saraakiisha Sirdoonka Ruushka iyo kuwa wasaaradda difaaca ee qaabilsan dagaalka Ukraine.

Sarkaalka sirdoonka Ruushka ee FSB u qaabilsan dagaalka Ukraine ayay warbixinnadu tilmaamayaan in xabsi guri laga dhigay, kadib markii uu khilaaf adag soo kala dhexgalay isaga iyo saraakiisha wasaaradda difaaca ee dowladda Ruushka.

Khilaafka ayaa soo shaac baxay kadib markii ay beenowday rajadii Ruushka ee ahayd in si fudud ay kula wareegi doonto magaalada Kiyeef ee caasimadda Ruushka, taasoo isku bedeshey haadaan ay ku hoobanayaan ciidamada Ruushka, welina aaney muuqan wax rajo ah oo ku aadan gelitaanka magaaladaas.

Inta badan sirdoonnada caalamiga ah gaar ahaan kan Ruushka ayaa lagu eedayaa in wararka aaney jecleyn madaxda dalka ay ka qariyaan, sidaasi darteed Butin ayaa heystay xogo tilmaamaya in dalka Ukraine aaney ka jirin dowlad awood leh, si fududna ay ku burburi doonto haddii duulaan lagu qaado.

Inkastoo masuuliyiinta Ameerikaan eel aga soo xigtay xogta la xiriirta khilaafka saraakiisha Ruushka soo kala dhexgalay aad loo buun buuninayo, hadana waxay tilmaamayaan in weli ay aaminsanyihiin in Butin aaney gacantiisu ka bixin talada dalka.

Todobaadkii afaraad ayuu sii soconayaa dagaalka Ukraine, welina ciidamada Ruuushka kuma guuleysan iney galaan magaalada kiyeef ee caasimadda Ukraine halkaas oo ah hadafkooda, maalintii shanaad ee uu socday dagaalka ayayna dowladda Ruushka qiratay in laga dilay 498 askari, waxaana la is weydiinayo hadda oo uu dagaalku soconayo inkabadan 20 maalmood tirada dhimashada ee ciidamada Ruushka.

Taliska ciidamada Ukraine ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay iney fashiliyeen isku deygii ay ciidamada Ruushka ku doonayaan iney go’doon ku geliyaan magaalada caasimadda ee Kiyeef, hadana ciidamada Ruushku billaabeen iney godad waaweyn ka qotaan hareeraha magaalada si ay ugu qariyaan dabaabadaha dagaalka ee ay wataan.

Muuqaallo dayax gamceedyo lagu qaaday ayaa muujinaya ciidamada Ruushka oo dhulka qodanaya, doonayana iney ku qariyaan dabaabaha si aaney u duqeyn ciidamada Ukraine.

Hase ahaatee waxay ciidamada Ruushka ku guuleysteen iney go’doomiyeen magaalada Moribol ee koonfurta dalka, taasoo si kumeel gaar ah dowladda Ukraine uga hor istaageysa iney gaarto badda Aazoof.

Wasaaradda dagaalka ee dowladda Ruushka waxay dhankeeda sheegtay iney burburisay bakhaar lagu keydinayay hubka noocyadiisa kala duwan oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine, iyadoo adeegsaneyso sawaariikh culus oo hadafka u asiibaya si sugan, sida hadalka loo dhigay.

Related Items

Update cookies preferences