Sh. Hassan
Daahir Aweys ma yahay dembiile mase ma aha? Waa arrin u baahan in si cilmi ah
looga jawaabo ee aan hiyi kaac looga jawaabin. In kasta oo aan ogahay in dad
badani oo ay ka mid yihiin kuwa dad u xigaa qaarba si u neceb yihiin, haddana
ma aha in nacaybku innagu xambaaro in aynu ku jawr falno sida ay aayaddani
sheegayso.
يَاأَيُّهَآ الَّذِينَ آمَنُواْ كُونُواْ قَوَّامِينَ للَّهِ شُهَدَآءَ بِالْقِسْطِ وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُواْ اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ(المائدة 8).
Qofka
muslimka ah waxaa loo ciqaabi karaa Alle dartiis oo keliya, isaguse shiikhu
wuxuu u xiran yahay gaalo ku sheegtay argagixiso darteed isaga oo Alle dartiis
ugu jira jahaad fardul cayn ah. Waxay liiska argagixisada ay gaaladu gashatay
markii uu ka midka ahaa urur diimeedkii Al-Itixaad oo uusan isagu madax ka
ahayn balse uu ka ahaa nink saddexaad.
Ma doonayo
in aan wax aan jirin ku difaaco shiikha balse aniga oo tix gelinaya aragtida
dadka Soomaaliyeed ee neceb waxaan doonayaa in taxliiliyo in uu nacaybkaasi xaq
yahay iyo in kale. Marka aan lee yahay xaq waxaan uga jeedaa ma dembi uu Alle
dadka ka reebay oo lagu cadaab muto ayuu galay mase wuxuu fulinayey amarkii
Alle.
Haddaba
maxaa lagu haystaa Shiikha oo uu sameeyey? Sida aan ogahay wuxuu ahaa qof
doonaya in lagu dhaqmo shareecada Islaamka wuxuuna arrinkaas ugu dhowaanaayey
Alle cwj.
Allena wuxuu
noo sheegay in ciddii ku garsoorata wax aan sharciga Alle ahayn ay yihiin
gaalo, ama mushrikiin ama faasiqiin sidaasna wuxuu Alle noogu sheegaya aayadaha
44, 45 iyo 47 suuradda Al-Maa'iidah.
Waxay
aayaddanina lee dahay ma aragtaan kuwo sheeganaya in ay wixii loo soo dejiyey
nebi Muxammad iyo wixii ka horreeyey ee Alle soo dejiyey oo dhan rumaysan
yihiin haddana doonaya in ay wax aan Alle ahayn ka garsoor qaataan. Waxaana ka
muuqata in ay ka garsoor qaadanayaan wax aan Alle ahayn oo dad ah hase yeeshee
ay tahay in Alle oo keliya laga garsooro.
Halkaas waxaa noogu cad in uusan shiikhu ku qaldanayn in Alle laga garsoorto loona ciqaabi karin in uu u hoggaansan yahay Alle oo aanay ahayn dembi.
Marka intii uu Xisbul Islaam hoggaminayey aynu aragno dembiyada oo ka galay dadka islaamka ah ee Soomaaliyeed. Waxaa u tegey tolkiis waxay ku dheheen dawladda ayaa meel culus lagaa siinayaa ee dagaalka jooji, isaguna wuxuu ku lahaa jahaad fardul cayn ah ayaa socda ee ka soo qayb gala. Wuxuuna ka diiday tolkiis in uu ka baxo jihaadka waayo Alle ayaa ka mudan tolkiis, taas ayaa keentay in uu tolkiis si xun u naco.
Dadka
Soomaalida oo jeclaa in ay dawlad helaan waxay u arkeen in Sh. Hassan uga baas
baxay dawladnimadii ay heli lahaayeen, waayo Alle iimanka kuma qabaan ee waxay
iimaanka ku qabaan naftooda keliya.
Markii uu
gaaladii dalka ku soo duushay sida uu shiikhu qabo uu ku bilaabay dagaalkana
waxaa ku nacay shacab kale oo fara badan oo u arkay in aanay bannaanayn in
dawladdii Shariif Sh. Ahmed lala dagaalo. Waadna wada og nahay in culumada
Soomaaliyeed qaarkood u fadwoodeen in ay tahay dawlad Islaam ah oo aanay
bannaanayn. Waxaa culumada lagu siray golihii wasaaradaha oo uu hoggaaminayey
Omar Abdirashiid in ay isku raaceen dhaqan gelinta Shariicada Islaamka, markii
ay u gudbiyeen baarlamaankuna wuu ansixiyey ka dibna waxaa la is tusay
Madaxweynihii Shariif Sh. Ahmed oo saxeexaya ku dhaqanka Sharceeda Islaamka.
Sh. Hassan
oo hoggaaminayey Xisbul Islaam wuxuu sheegay aan sugno dhaqan gelinta
shareecada dagaalkiina wuu hakiyey. Ka dib Omar Abdirashiid oo ahaa wasiirka
koowaad ayaa Addis Ababa ka sheegay in aanay wax shareeco ah oo gacmaha la jaro
waxna la rajmiyo aanay ahayn ee ay doonayaa in ay ku qayaamaan
islaamiistayaasha shareeco doonka ah.
Markaas ayay arrintu cirka isku shareertay dagaalkii lagula jiray gaaladana uu sii laba kacleeyey.
قَاتِلُواْ الَّذِينَ لاَ يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلاَ بِالْيَوْمِ الآخِرِ وَلاَ يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلاَ يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ حَتَّى يُعْطُواْ الْجِزْيَةَ عَن يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ(التوبة 29).
Markaas ayaa aayaddan loo cuskaday oo ay waajib noqotay in sida gaalada loola dagaalayo oo kale kuwo dawladda ah iyo kuwo ciidamada u ah ee u dagaalayaba loola wada dagaalo.
Haddii aan
si kooban u sheego macnaha aayadda waxa weeye:
Kuwa
aan Alle iyo rasuulka rumaynin, wixii Alle iyo rasuulku reebeenna reebayn,
diinta xaqa ah ee Islaamkana aanay u ahayn diin ee ka midka ah Yuhuudda iyo
Kiristaanka laaya ilaa ay iyaga oo yasan ay ka buixiyaan canshuurta madaxa.
Haddii uu
ruuxu diido in uu galo jahaadkii fardul caynka, wixii uu Alle dembi ka dhigayna
aan dembi u arkayn, diintii Islaamkana ku dhaqmayn looma aqoonsan karo in uu
rumaysan Alle iyo rasuulka.
Haddaba
wixii uu Alle ka dhigay dembiga ayaa dembi ah mase wixii ay gaalada iyo
munaafaqiintu ay dembi ka dhigteen.
Xisbul Islaam:
· Madfac indho la' kuma dhex tuurin dad Islaam ah deegaankooda
· Wiil yar ama gabadh ma miinayn oo cid isku soo qarxi ma odhan
· Meel ay dawladdu ku shiraysana babo ma gelin
· Jidna miino kuma aasin
· Magaalo dad Islaam ahi deggan yahayna xoog kuma qabsan
· Meelihii uu ka talin jiray oo dhan dadka shacabka ah ee deggan ayaa u yeedhan jiray ee dagaal kuma qabsan weligiis sida shabaabta.
·
Askari
Xisbul Islaam ka mid ah oo edeb darro cid ku delayna uma cafin.
GUNAANAD
Sh. Hassan
Daahir Aweys waxaa lagu haystaa in uu dad Islaam ah oo Soomaaliyeed ku laayey
si xaq darro ah.
Isaguna wuxuu isu arkaan ruux ku socday amarkii Alle iyo diintii islaamka kuna jira jihaad fardul cayn ah.
Marka haddii
uu jiro jihaad fardul cayn ahi shiikhu dembi ma yeelanayo, wuxuuse dembi
yeelanayaa markii uusan jahaad fardul cayn ahi ansixin.
Waxaana
arrinkaas ku fududaaday culumadii dawladdii Shariif ay ku sirtay shareecadii
ayaa la ansixiyey dalkana laga dhaqan gelinayaa. Waxaana laga rabay oo keliya
in ay culumadu u fawooto. Markii ay u fadwoodeenna runtii ayay sheegeen oo
waxay dheheen wax shareeco ah oo meeshaan laga dhaqan gelinayaa ma jirto.
Sidaas darteed Sh. Hassan Daahir Aweys iyo Xisbul Islaam midna dembi ma laha mana gelin Alle agtiisa.
Ruuxii islel Sh. Hassan Daahir Aweys dembi ayuu Alle ka galay oo dad ayuu xaq darro ku laayey.
Omar
Suleiman Ali
Email: [email protected]