Soomaalidu waa dad af-maal ah, murtina badan noolaha oo dhanna maahmaahyo iyo murti ayey ka sameeyeen. Noolahaa ay Soomaalidu cabbir ka sameysey waxaa ka mid ah noolaha baallaleyda ah ee loo yaqaan ‘XUUNSHADA’.
Xuunshada waxa lagu tilmaamaa in ay dareen gaaban tahay, goor Xeero
iyo Fandhaal kala dheceena ay wax garato. Waxaana lagu tilmaamaa in ay
tahay noolo feejignaanteedu yartahay ama gaaban tahay.
TUKAHA oo isna ah nooc baallaley ah, laakiin dareenkiisu dheer yahay
ayaa isna loo soo qaataa tusaale, markii la doonayo in la tilmaamo
dhiifoon iyo fooojignaan.
Tuke ayaa la weydiiyey goorta uu wax dareemo. Tuke ayaa ku jawaabey, waxa aan wax dareemaa goortii laba nin is dhugato/is fiiriso ama is jalleecdo.
Xuunshada oo aynu horey u soo xusney in ay tahay ama lagu tilmaamo
noolo garasho ama dareen gaaban, ayaa iyana la weydiiyey goorta ay wax
garato, Xuunsho waxa ay ku jawaabtey in ay wax garato goortii Qaanso iyo
Leeb/Fallaar la isa saaro.
Dareenka Xuunshada ayaa Soomaalidu ku micneysey mid goor dambe la
gartey, waayo goortii Qaanasada iyo Leebka la isa saaro waxa ay ka
dhigan tahay in Leebkii kugu dhacey, oo ay xaajadii soo dhammaatey,
meesha Tuke dareemey goorta laba nin is dhugato in dareen jiro,
dabadeedna uu meesha isaga duulo inta uusan la kulmin dhiillo.
Dad badan oo Soomaaliyeed amaba afka Soomaaliga ku hadla ayaa muddaba waxa ay ku hadaaqayeen in dawlad iyo nidaam loo dhisayo, aaminna ku qaba waxa beesha caalamka la yiraahdo, laakiin aan anigu u aqaan beesha cadowga ama gaalada.
Dadkaasi muddaba sida carruurta ayey ku hadaaqayeen waxa ay beesha
cadowgu hadba idaacadaha iyo warbaahinta ka sheegto, iyaga oo ku
celcelinaya wixii ay beesha cadowga ka maqleen ama ay ugu sheekeysey.
Hadadaba su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa waxa ay tahay meedey dawladdii beesha caalamku taageersaneyd ama laga sugaayey?
Waxa qoraal cabbir sadaali saaran yahay muddo dhowr bilood ah, 18kii
Jannayo 2014ka, qorey nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Cismaan,
Danjirena ka ahaan jirey Safaaraddii Soomaalida ee dalka Hindiya
xilliggi dawladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka
ahaa.
Danjire Maxamed Cumar wuxuu saadaal siyaasadeed ku sameynayey waxa la
filan karo markii uu dhamaado muddada dawladdan Xassan Sheekh madaxda
ka yahay iyo waxa la filan karo. Danjiruhu wuxuu qoraalkaa ugu magac
darey "IMAGINE: Somalia Under IGAD Trusteeship in 2016”, isaga oo
diiradda saaraya waxa dhici kara xilliggan uu tiigsadey.
Danjire Maxamed Cumar waxa annu isbaranney xilligii dawladdii Carta
ee Jabuuti lagu soo dhisayey sannadkii 2000, dawladdaas oo uu madax ka
ahaa Dr Cabdiqaasim Salaad Xassan.
Danjire Maxamed ma aha nin dareen yar, waana nin muddo aan yareyn ku
soo jirey waxa loo yaqaan siyaasadda (Politician) iyo Xiriirka
Heshiisyada Caalamiga ah iyo Xirfad-wanaagga dadka lagula dhaqmo
(Diplomatic).
Qoraalka Danjiraha oo aan jeclahay in aad loo akhriyo, hoosna aan ku
lifaaqi doono ayaad mooddaa in uu ka soo hormarey muddaddii uu Danjiruhu
saadaaliyey, muddadaas oo ah 2016ka in Soomaalida laga xayuubin doono
waxa dawladnimo iyo dal xor ah la yiraahdo, gacantana loo gelin doono
waxa beesha caalamka loogu yeero, Qarammada Midoobeyna hor boodayso,
iyada oo ciiddammo calooshood u shaqeystayaal ah Xabashina kow ka tahay
laga adeejin doono.
Taas oo meesha ka saareysa qarowgii iyo riyadii ahayd in beesha
caalamku ay Soomaaliya dawlad u dhiseyso, laakiin ay la daggaalammeyso
Al-shabaab, dad badan oo sidii carruurta lagu sasabi jirey ama lagu
seexin jirey dawlad ayaa la idiin dhisayaa ee Al-shabaab ayaa idinka hor
taaganna uu malahoodii beenoobayo ama uu dhaan Dabaggaalle ku soo
ururey.
Saadaasha siyaasadeed iyo xogaha la helayo ayaa waxa ay muujinaayaan,
in Xassan Sheekh dhawaan ruqso la siin doono, shaqadiina ka dhammaatey,
dabadeedna uu mari doonno halkii ay mareen kuwii isaga ka horreeyey, ee
dibad-joognimada ku abaadey.
Ciidammada gaalada ah ee dalka lagu soo daabduley iyo madaxa maamulka
dalka ee Nicholas Kayna, talada la wareegi doonaan, maaddaama muddaba
laga shaqeynayey, in aan Soomaalidu mas’uul ahayn, mas’uuliyad darrona
lagu soo rogo dalka "TRUSTEESHIP”.
Dalku imminkaba waa ku jiraa gumeysi aan la dareemeyn, laakiin doqoni
garan meyso, oo dawlad iyo calan aan waxba ka hooseyn ayey meel walba
la taagan tahay.
Warku yuusan ila taraarine waxa aan ku soo af jarayaa, ciddii hadda u
fadhida in dawlad loo dhiso beesha caalamkuna aqoonsato ama taageero
siiso aan ka ahayn in calooshood u shaqeystayaal iyo dullaalliin dalka
faganaya, waxa ay la mid yihiin XUUNSHADII aan soo tilmaamey, waxa aynu
sugeynaana waa goortii LEEBKU ku dhaco, ileyn dareen ma lehee.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله
رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)