Sheekh Atam oo tareenkii Jihaadka ka booday Maqaal.

Monday June 09, 2014 - 04:30:18
9515
Super Admin
Waxaa maanlintii shalay Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Sheekh Maxamad Saciid Atam oo mar ahaan jiray hogaamiyaha dagaalyahanada Buuraha Galgala, waxaana uu Sheekhu isagoo shir Jaraa'id ku qabtay Xarunta wasaarada warfaafinta sheegay in uu isku soo dhiibay Maamulka Xasan Sheekh M
Waxaa maanlintii shalay Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Sheekh Maxamad Saciid Atam oo mar ahaan jiray hogaamiyaha dagaalyahanada Buuraha Galgala, waxaana uu Sheekhu isagoo shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta wasaarada warfaafinta sheegay in uu isku soo dhiibay Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud uuna kasoo baxay dhulka ay Maamulaan Xarakada Al-Shabab Al-Mujaahidiin, arintaas oo dad badan ay su’aalo iska waydiinayaan.

Sheekh Atam waxaa uu magaciisu soo shaac-baxay sanadkii 2010 xilligaas oo ciidamo uu hogaaminayo ay dagaal adag la galeen Maamulka Puntland oo uu Sheekh Atam ku tilmaami jiray inay yihiin Ashahaado-ladirir, waxaana uu sheegi jiray inuu Jihaad fii-sabiili-llaah kula jiro maamulkaas cadawga ah ee ay Gaaladu soo dhoodhoobtay, balse waxaa layaab noqotay in Sheekh Atam uu maamul midka Puntland kasii xun oo ay gaalo cadaan iyo madoow leh garwadeenno iyo guulwadayaal kayihiin uu iskusoo dhiibo, weliba uu is-dhiibitaankiisa kaga dhawaaqo Xarunta wasaarada warfaafinta oo ay ilaalo ka yihiin taangiyada ciidamada gaalada ah ee AMISOM!!!.

Sheekh Atam waxaa uu sheegay in Shabaab-ka uu kasoo tegay ay shacabka ku xukumaan shareecada Islaamka, balse madaxdooda gaar ahaan hogaamiyahoodu, Sheekh Abu Zubeyr, aysan Shareecadu qabanin uunan u hogaansamin "waa sida uu hadalka u yiri”, balse Sheekh Atam waxaa uu qirsanyahay inuu kasoo tegay dhul shareecada Islaamka lagu maamulo oo calanka Tawxiidku saaranyahay, goobta uu fadhiyo oo uu hadalkaas ka sheegayana waa goob ay gaalo haysato , shareecada Qaramada midoobayna lagu maamulo, nimanka madaxda ka ahna ay yihiin niman Murtadiin ah, sida uu isaguba sheegi jiray. Waa yaab!!!.

Sida ay ii sheegeen dad aad ugu dhow Sheekh Atam, wadaad-ku wuxuu sanadihii lasoo dhaafay ku noolaa Degmada Kuntuwaareey ee Wilaayada Shabeellada Hoose, halkaas oo uu beer ka tacban jiray, waa goob ammaan ah oo dadku ay naftooda iyo maalkooda kula nabadgaleen - sida Muslim iyo gaal-ba isla qirsanyihiin, hase-yeeshee marka laga soo tago degmadaas ee dhowr Kiilomitir lasoo socdo lana soo gaaro Shalaambood, waxaa bilaabanaysa cabsi iyo walbahaar, waxaa wadada daadsan maydadka maleeshiyada dowlada oo qaab qabiil isku laynaysa, shalay oo kaliya waxay iska dileen 12 sida masuuliyiintooda ay sheegeen, waxaa wadada yaalla maydadka dumar masaakiin ah oo ay maleeshiyadu qabiil ahaan u xasuuqday, waxaa bilqan isbaarooyin hantida Muslimiinta lagu dhoco dumarkana lagu kufsado, intaas oo dhan ma aha wax aan anigu maankayga kasoo hindisay ee waa wax bulshadu ka wada dheregsantahay warbaahintuna hadal-hayso, sidaas oo ay tahay Sheekh Atam dhaleeceeyn iyo aflagaado ayuu Mujaahidiinta kala dul-dhacay, Murtadiintana mahadcelin ayuu ku maamuusay. Waa yaab!!!.

Sheekh Atam waxaa uu sheegay inuu ka tanaasulay Jihaadkii hubaysnaa, wixii hada ka dambeeyana uu fikirkiisa kusoo gubdisan doono qaab nabadeed, halkaas waxaa ka cad in wadaadku uu u hogaansamay rabitaankii cadawga ee ahaa in dadka Soomaaliyeed ay is-dhiibaan, hubkana dhigaan, kadibna sidii doono laga yeelo, waa dhagar dad badan oo Muslimiin ah hore loogu soo dhagray, welina albaabkaasi waa furanyahay, balse ilaa hadda qof albaabkaas galay oo guul ka keenay lama sheegin. Waa yaab!!!.

Anigu aqoon uma lihi Sheekha, waxaanse xog ku helay in Jabhadii uu Sheekh Atam mar hogaamiyaha ka ahaa ay weli wadadii Jihaadka ku taagantahay, waxaa ay si toos ah u hoostagtaa maamulka sare ee Mujaahidiinta, waxaan ku ammaanayaa hogaanka Xarakada Al-Shabaab inuu Ilaahay waafajiyay inay masuuliyada Jabhadaas iyo maamulkeeda mar hore kala wareegeen Sheekh Atam, una dhiibeen gacmo aamin ah Insha,Allah. Waxaa maanta fajaciso ummada Soomaaliyeed ku noqon lahayn in Sheekh Atam uu Mujaahidiintaas ugu gacan-geliyo maamullada Ashahaado la dirirka ah ee Itoobiya looga taliyo ee ka kala dhisan Garoowe iyo Muqdisho.

Wadada halganku waa mid aad u dheer, aadna u dhib badan, qof walba oo kamid ah ragga halgamayana yool ayuu leeyahay, qaar baa yoolkoodu wuxuu yahay inay dhal-dhalaal adduun helaan sida madaxtinimo iyo maamuus sare, qaar kale waxaa uu yoolkoodu yahay inay Allaah raali ahaanshihiisa gaaraan, Shareecada Islaamka hirgeliyaan, Calanka Jihaadkana sare u qadaan, waxaan rajaynayaa inta badan hogaanka Mujaahidiintu ay sidaas yihiin, balse kuwa yar ee laga yaabo inay dano gaar ah oo adduun ku kooban leeyihiin waxaan leeyahay ku waana-qaata Shariif Sheekh Axmad iyo halkii uu ku dambeeyay. Waa dhalaal aduunyo oo aad u yar, kadibna dhibaato aakharo oonan dhammaad lahayd.

W/Q Cumar Xabiib

FG:Fikirka qoraaga ayuu gaar u yahay


Related Items

Update cookies preferences