Xasan Sheekh oo lageliyay xaalad Karaantiil ah kadib markii laga helay Covid19.

Saturday June 25, 2022 - 07:08:58
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in caabuqa Covid19 uu soo ritay Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin ka hor kasoo laabtay safar dibadda ah.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameeyay kadib laga helay Virus-ka Covid19 "Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19" ayuu yiri Xasan Gurguurte oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Wararka ayaa intaas ku daraya in inta badan xubnihii madaxweynaha ku wehlinayay safarkiisi Imaaraatka Carabta laga helay caabuqa Corona Virus.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweynaha DF-ka laga helo caabuqa safmarka ah waxaana la sheegay in lageliyay xaalad karaantiil ah

Related Items

Update cookies preferences