Xasan Gurguurte oo sheegay in uu ka bogsooday caabuqa Covid19.

Thursday June 30, 2022 - 12:09:24
MeMO Staff
Kadib maalmo aan muuqiisa iyo maqalkiisa midna laheyn ayuu ugu dambeyn warbaahinta kasoo hormuuqday Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Federaalka.
Muuqaal Video ah oo lagu baahiyay baraha rasmiga ah ee madaxtooyada Villa Somalia waxaa lagu arkayay Xasan Gurguurte oo ka warramaya xaaladdiisa caafimaad.

Wuxuu sheegay in uu kasoo bogsooday caabuqa Covid19 ee soo ritay isbuucii lasoo dhaafay, madaxweynaha DF-ka ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu la sakaraatay xanuunka safmarka ah isagoo yiri "xanuun weyn ma dareemin sababtoo ah waxaan qabay dhowr tallaal".

Soo muuqashada Xasan Sheekh ayaa meesha ka saaraysa warar ay taageerayaasha Farmaajo maalmihii lasoo dhaafay ku faafinayeen baraha bulshada oo ku aaddan in madaxweynuhu aad uliito islamarkaana loo qaaday dalka Turkiga.

Related Items

Update cookies preferences