Warbixin: Maxaad kala socotaa qorshayaasha Xasan Sheekh ee la dagaallanka Al Shabaab.

Thursday July 07, 2022 - 14:44:22
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal dheer oo dhinacyo dhawr ah taabanaya ka jeediyey madal cilmi baadhiseed oo laga leeyahay Turkiga (SETA).
Salaan ka dib waxa uu Xasan Sheekh u mahad celiyey dawladda Turkiga iyo Madaxweyahooda isaga oo sheegay in booqashadii Erdugan uu ku tagey Muqdisho kal hore ay ka yaabisay caalamka, Waxa kale oo uu xusay xidhiidhka dheer ee laba maamul ay leeyihiin oo ah mid diblomaasiyadeed iyo mid amni.
"Sidaad ogtihiin Soomaaliya waxay 15sano la daalaa dhacaysay dagaalka ay wadaan argagixisada caalamiga ah ee xidhiidhka la leh Alqaacida kuwaas oo leh ajandeyaal caalami ah” ayuu Xasan ku bilaabey hordhaca hadalkiisa.

Wuxu sheegay sidoo kale in jihaadiyiinta Soomaaliya fikraddoodu uu yahay mid aan Soomaaliyeysnayn balse saldhiggoodu uu yahay uun Soomaaliya.

Waxa kale oo uu xusay in aan dib u heshiisiin la samayn karin inta ay jiraan qolyahaas uu ku sheegay argagixisada isaga oo ku sababeeyay in dadkii ay isu keenaanba ay qarxinayaan sida uu hadalka udhigay.

Markaas kadib waxa uu Xasan Sheekh Carrabaabey in teeramkiisii hore ay xukuumaddiisu qorshayaal u dejisay la dagaallanka Alshabaab,
"waxaan lahayn qorshayaal ku aaddan la dagaalanka Alshabaab, qaarkood wey wanaagsanaayeen laakiin kuma filnayn” ayuu yidhi Xasan gurguurte.

Qorshayaashii hore

1: Containment Policy: qodobkan oo macnihiisu yahay siyaasadda horjoogidda ama xakamaynta; oo ah in shabaabka lagu horjoogo Soomaaliya si aaney u fidin awooddoodu. Habkan ayay Xasan, waddamada deriska iyo beesha caalamku isla qaateen.
Qodobkani inkasta oo uu uwanaagsanaa ma uu shaqaynin sida uu sheegay madaxweynuhu sababta oo ah Soomaalidu waxay leeyiiin qurbe joog badan kuwaas oo sida uu hadalka u dhigey ay jihaadiyiintu soo jiiteen aragti ahaan dabadeedna ay carbiyeen isla markaana ku laabta waddamadoodii taasna ay ugu wacan tahay ajandaha Alshabaab oo caalami ah.

Isticmaalka habkan ayaa waxba qaban waayey taas oo madaxweynuhu sheegay inkasta oo la hirgeliyey in haddana ay sii awoodeysanayeen uun.

2: Degrade Policy: oo ah wiiqidda awoodda jihaadiyiinta Soomaaliya, qodobkan ayuu madaxweynuhu ku sababeeyay in haddii la dhimo awoodda Alshabaab in aaney jirayn qurba joog ay soo jiidan karaan islamarkaanu aanu haba yaraatee faafi karin fikirkoodii ay qurbejoogta ku soo xero galinayeen.

Habkan ayaa ah in la beegsado hoggaanka halgameyaasha (Jihaadiyiinta), in la duqeeyo xarumahooda tababarka iyo qaadashada wax kamida hantidooda laakiin wuxuu sheegay madaxweynuhu in haddii sidaa la sameeyo ay haddana dhacayso in ay dib isu soo urursadaan. Markaa labadaa qaab inkasta oo ay wanaagsanaayeen haddana kuma filnaan la dagaalanka islaamiyiinta Soomaaliya.

The new policy (Siyaasadda Cusub)

Madaxweyna DF waxa uu sheegay haddii labadii qorshe ee hore shaqayn waayeen in uu qaatey hal qorshe oo u sii kala baxaya saddex nooc.

1: Eliminating Alshabab: habkan cusub ee ay qaadatey DF ahi waa in gebi ahaanba meesha laga saaro Alshabaab. Inkasta oo labadii hab ee hore ahaayeen Militarized haddase habkan cusubi wuxu dhigayaa:

A: Military front: In uu dagaalka millateri sii socdo

B: Ideological front: In fikir ahaan loola dagaallamo kooxda dabadeed lagasoo ceshado aragtida islaamiga ah ee ay ku dagaallamayaan. Qodobkan ma garan karo sida Xasan Sheekh u fulin karo, waayo haddii uu rabo in uu ka dhabeeyo waa in uu dawlad Islaami ah ku dhawaaqaa.

C: Economical front: Qodobkani wuxuu dhigayaa in Alshabaab lagala dagaallamo dhaqaalaha, Xasan waxa uu sheegay in ururku ku xooggan yahay dhulka miyiga ah islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay yihiin 70% bulsho reer guuraa ah kuwaas oo shabaabku ka qaataan Zakooyin iyo cashuur halgan (Jihad taxation). Xasan markii uu qodobkaa sheegay waxa uu ugu dambaysiiyey in ay jiraan doodo xooggan oo ay qabaan qaar kamid ah saaxiibbadiisa caalamka iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh "Taariikh ahaan dagaalka noocan ahi kuma dhammaado hawgallo millateri”. Inkasta oo Xasan garowsaday qodobkaas haddana wuxu ka dambaysiiyey "We are not right now a position to negotiate with Alshabab” oo noqonaysa in aaney ahayn xilligii ku habboonaa ee lala hadli lahaa Shabaabka sidaana waxa uu ku iclaamiyey dagaal.

Marka layskusoo xooriyo khudbaddii uu madaxweynaha DF-ka ka jeediyay machadka SETA iyo khudbaddii kale ee uu ciidamada ujeediyay waxaa muuqata in DF-ka ay waxa loogu yeero beesha caalamka  ku afgubaadsanayso dagaalka ka dhanka ah jihaadiyiinta, marka lagaaro sanadda 2024 waxaa laqorsheeyay in lasoo afjaro howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Dhammaan dowladihii dabadhilifyada ahaa ee dalka soo maaray ayay hoggaamiyaasheedu ku qeyllin jireen in ay soo afjarayaan Al Shabaab balse taasi wali ma dhicin marwalbana Islaamiyiinta ayaa awoodooda kusii xoojiyay inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

Hay'adda xasaradaha aduunka ee loo yaqaan ICG ayaa bishii lasoo dhaafay soo saartay daraasad ay ku sheegayso in dagaal melleteri aan looga adkaan karin Al Shabaab waxayna DF-ka ugu baaqday in ay wadahadal lafurto Islaamiyiinta.

Wadaayare Xaashi
7 Julaay, 2022.

Related Items

Update cookies preferences