Sawirro: Magaalada Tiyeegloow oo si heer sare ah looga Ciiday.

Saturday July 09, 2022 - 17:24:47
Liibaan Jeexoow
Magaalada Tiyeegloow ee wilaayada Islaamiga Bakool ayaa kamid aheyd meelihii maanta sida weyn looga dabaal degay munaasabadda Ciidul Adxaa.
Fagaaraha weyn ee Ansaarul Qudus waxaa isugusoo baxay boqolaal kamid ah dadka degmada Tiyeegloow halkaas oo lagu tukaday Salaadda ciidda.
Intaas kadib dadka ayaa iyagoo faraxsan ku damaashaaday gudaha magaalada iyo dhul beereedka ku hareeraysan oo ay udalxiis tageen.

Carruurta ayaa la arkayay iyagoo ku ciyaaranaya goobo loo gaar yeelay, reer Tiyeegloow ayaa maalinta koowaad ciidda kusoo dhoweeyay farxad iyo damaashaad.


Hoos ka daawo sida Tiyeegloow looga ciiday.

Related Items

Update cookies preferences