Boqolaal kun Muslimiin ah oo masjidka Al-Aqsaa ku tukaday Salaadda Ciidda.

Sunday July 10, 2022 - 11:21:42
Liibaan Jeexoow
Kumannaan ruux oo Muslimiin reer Falastiin ah ayaa salaadii Ciidul Adxaa ku tukaday subaxnimadii maanta oo Sabti ah Masjidka Al-Aqsaa ee ku yaalla magaalada barakeysan ee Al-Qudus.
Sida uu ku dhawaaqay maamulka Masjidka Al-Aqsaa 150,000 (Boqol iyo konton kun oo qof) oo Muslimiin ah oo isaga kala yimid magaalooyinka kala duwan ee Falastiin ee ay Yahuudu heysato ayaa saakay Salaadda Ciidda ku oogtay Masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, xilli caqabado badan oo ka imanaya Yahuuda ay ku xeernaayeen.

Tan iyo waabarigii saaka ayaa la arkayay boqollaal dad Mulimiin ah oo ay kamid yihiin carruur, haween iyo dad waayeello ah oo ku sii qul qulayay masaajidka, iyagoo ku dhawaaqayay takbiirta ciidda.

Isla markii la dhammeeyey khudbadda Ciidda, dadka Muslimiinta ah reer Falastiin ayaa hambalyo is weydaarsaday iyadoo dad Muxsiniin ah oo ku sugan barxadda Masjidka ay hadiyado u qaybiyeen dadka ku cibaadaystay halkaas oo ay ku jireen caruur aad u da’ yar kuwaas oo wijiyadooda laga dheehanayay farxad aad u badan.

Related Items

Update cookies preferences