Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Cudud military oo Aan Horay Loo Arag [DAAWO MUUQAAL CUSUB]

Thursday July 14, 2022 - 17:15:53
32478
Liibaan Jeexoow
Mu'asasada Alkataa'ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay muuqaal cajiib ah oo lagu soo bandhigayo dhoola tus aan horay loo arag oo ay ku muujineyso cududda military ee ay diyaarsaneyso.
Dufcad ciidan ah oo kasoo qalin jebisay tababar ciidan oo loogu magacdaray hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida laguna magacaabo "Sheeykh Qaasim Ar-Riimi" ayaa lagu soo bandhigayaa filimka, waxaana filimka lagu soo bandhigayaa ciidan aad u qalabeysan oo qaadanaya noocyada kala duwan ee funuunta dagaalka.

Waxay ciidankan ku tababaranayaan dhul banaan oo aan la shaacin halka uu ku yaallo, waxaana muuqaalka laga dheehan karaa in Xarakadu aysan wax saameyn ah ku yeelan duqeymihii xagga cirka ahaa ee Mareykanku ku beegsan jiray xarumahooda.

Muuqaalka waxaa kasoo muuqanaya hogaamiyeyaal ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo qaarkood lacago malaayiin ah uu dul dhigay Mareykanka.



ama hoos ka daawo sawirro

Related Items

Update cookies preferences