Sawirro: Sidaan ayay ciidamada Danab ee Mareykanku tababaray ugubeen Isbitaalka Shaw.

Monday September 12, 2022 - 19:25:29
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Soomaalida ah ee uu Maraykanku tababaray loona yaqaano Danab ayaa gubay isbitaalkii deegaanka Shaw oo 18 kiilowmitir u jira degmada Jalalaqsi kadib weerar ay xalay ku soo qaadeen deegaanka.
Sawirro lagasoo qaaday isbitaalka ayaa muujinaya burburka dhismayaasha isbitaalka oo ka samaysnaa dhis iyo jiingado,  Waxaa kaloo lagu arkayay miino ay uga tageen goobta taas oo ay dul saareen matoorka balse aanan weli qarxin.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Danab ay sumeeyeen ceelkii isbitaalka kaas oo adeegayaasha caafimaadku ay dadweynaha u sheegeen in ay ka fogaadaan oo aysan isticmaalin.

Isbitaalka Shaw oo ay dhisteen shacabka deegaanka ayaa waxaa uu adeeg caafimaad u fidin jiray kumanaan rayid ah oo ku dhaqan galbeedka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa degmooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi.

 Hoos ka daawo sawirrada

Related Items

Update cookies preferences