Sidee Ku Nool Yihiin Muslimiinta dalka Switzerland? [Warbixin].

Monday October 31, 2022 - 12:25:24
Liibaan Jeexoow
Qormooyinkaan aan kaga hadlayo xaalada dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka Switzerland ayaan ugu tala galay in ay wacyi gelin u noqoto dadka Muslim ka gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Soomaaliya.
Waxyaabihii ugu yaabka badna ee aan usoo joogay ee ka dhacay dalkaan Switzerland ayaa waxaa ka mid ahaa, in xisbiga cunsuriga ah ee Schweiz VolksPartei SVP iyo taageeriyaashiisa sida Peregrine Stiftung ayaa Sanadkii 2011 waxay bilaabeen olole lagu doonayo in lagu mamnoocu qoraanka, waxayna dacwad ka dhan ah quraan ka kariim ka ah u direen maxkamada wadanka ugu sareysa ee ku taala Lausanne iyagoo qoraanka lagu eedeeyay in uu baneeyey in dumarka la dilo, Lana gumeysto....

Hadaba maxkamada oo ka cabsi qabta in dadka muslimiinta aduunka oo dhan in ay ku kacaan Switzerland ayaa dacwadii joojisay soona afjartay.

Sidoo waxaa la yaab leh in wadankaan uu caruurta Muslim ka ku baro iskuuladiiisa waxyaabo diintooda lagu burburinayo iyo dhaqaxumooyin kale sida in caruurta la baro nabi ciise calayhi salaam ka fiican yahay nabi maxamed nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaate waxayna caruurta siiyaan nac nac qaraar oo ay ku matalayaan nabi muxamad CSW iyo nac nac macaan badan oo ay ku matalayaan nabi ciise calyhi salaam si caruurtu u nacaan nabigeena suuban.

Sidoo kale caruurta waxaa la baraa waxyaabo anshax xumo ah sida in loo tuso in khaniisnimadu wax fiican oo caadi ah tahay. Hadaba wadanka Switzerland neceybka uu u qabo dadka muslimiinta ah waxay ka muuqataa tirada guud ee maxaabiista wadankaan ku xiray oo ay muslimiintu ka yahay 99.9% sida ay sheegeyso tiro koob ay xabsiyadoodu soo bandhigeen laakin tirada dadka muslimiinta dalka ayaa lagu sheegaa in ay 5% ka yihiin tirada guud ee dadka ku nool wadankaan.

Waxaa hadaba wadanka la mid ah xaga cadaawada muslimiinta ay u hayaan wadanka yar ee Austria loo yaqaano ee isaga luuqada jarmalka. Hadaba wadankaasi ayaa waxaa iga soo wacday qof dumar ah oo weyn oo Muslim ah waxayna iisheegtay in ay dacwad ku socota lagana yaabo in ay xabsi gasho waxay na tiri maba ogi sababta ay igu heystaan walaashaan naima mahamed nur iyo ninkeeda mahamed Ibrahim ayey dacwad aan sal iyo leheyn ugu socotaa dalka Austria waxaana u rajaynaynaa in ay guuleystaan kana badnaadaan shirqoolka gaalada.

Dhaldhalaalka nolosha ee wadamada gaalada, ma sida la moodo mise sida ay yihiin... hadaba laba kala barida kala war la' iyo sidii uu Alle Quraanka ugu caddeeyey in ay gaaladu yihiin sida lo'da oo kale balse kaba liitaan lo'da.

Qore: M. Jama Bile (Abu Sadaam)

Related Items

Update cookies preferences