Koror ku yimid tirada kiisaska COVID-19 ee Waddanka Shiinaha.

Sunday November 27, 2022 - 07:15:18
MeMO Staff
Saraakiisha Caafimaadka Shiinaha ayaa maanta ah sheegay in shalay la diiwaangeliyay ilaa 35,183 kiis oo la xiriira cudurka COVID-19, diiwaankaasi oo noqday kii ugu badnaa saddexdi maalin ee lasoo dhaafay.
Ma jirto wax dhimasho ah oo ay waaxda caafimaadku shaacisay, hase yeeshee magaalooyinka waaweeyn ayaa la daalaa dhacaya tiro aad u badan oo uu soo ridanayo xanuunka COVID-19.

Meelaha ugu badan ee kiisaskan cusub laga soo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah magaalada koofureed ee Guangzhou iyo magaalada koofurgalbeed dhacda ee Chongqing.

Cudurka COVID-19 ayaa markiisii hore kasoo biloowday magaalada Wuahan ee bartamaha Shiinaha dhamaadki sannadki 2019-ki, kahor inta uusan ku faafin dunida inteeda kale.

Wuxuuna dalkan u geestay qasaare baaxadleh oo dhan waliba ah, waxaana maalinba maalinka ka dambeesa sii ziyaada tirada dadyowga uusoo ridanayo caabuqan.

Related Items

Update cookies preferences