Mirihii ka dhashay Shirkii Culumada ee Muqdisho oo durbadiiba Banaanka u soo baxay!!

Saturday February 04, 2023 - 19:45:16
Liibaan Jeexoow
Sida aan la wada socono Dowladda Xasan Sheikh ayaa bishii la soo dhaafay ee Janaayo 23-deedii waxa ay magaalada Muqdisho ka furtay Shir ay sheegtay in ay u qabatay culumada Soomaaliyeed.
Muxuu ahaa ula jeedada Shirkaani?.

Xasan Sheikh oo horay u sheegay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin uu la gali doono dagaal Militeri, mid dhaqaale iyo mid fikir ayaa ula Jeedada uu shirkaan la lahaa ay ahayd uu helo, koox wadata magaca culumada oo ayagu dagaal uu ku sheegay dhanka "Fikirka” ku qaadda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Halkee ayuu ku dambeeyey dagaalkii militeri?.

Dagaalkii militeriga oo bilowday bartamihii sanadkii la soo dhaafay, ayaa durbadiiba waxa uu jab weyn soo gaaray ciidamadii dowladda Xasan Sheikh, waxaa la laayey saraakiishii ugu saraysay ee hogaaminaysay dagaalka, waxaa uu burbur ku yimid ciidamadii Danab, Haram-cad iyo Gor-gor, kuwaas oo ahaa ciidamadii ay in muddo ah soo tababarayeen Maraykanka iyo Turkigu, halkaas oo qaarna la laayey qaarna la dhaawacay, tiro kalena ay wadankaba iskaga carareen, halka baabuur iskugu jirta kuwa dagaalka iyo kuwa ciidamadaba loogu furtay Xasan Sheikh.

Jugtaas xanuunka badan ka dib, safar uu Xasan Sheikh ku tagay dalka Maraykanka ayaa waxaa la isla soo go’aamiyey in si deg deg ah loo gudo galo dagaalkii dhanka "Fikirka”, lana qabto shir weyne ay iskugu imaanayaan culumada raacsan amaba taageersan fikirka uu Maraynku gar-wadeenka ka yahay ee ku salaysan Shareeca la dirirka.

 
Dhaqaale intee le’eg ayaa ku baxay Shirka yaase bixiyey dhaqaalahaas?.

Shirkan, waxaa ku baxay lacag gaaraysay $10,000,000 (Toban Malyan oo Doolar), lacagtaas ayaa waxaa bixiyey dowladaha Maraykanka iyo Midowga Yurub EU, lacataasi inta badan waxa ay ku dhacday jeebka dhowr shaqsi oo ayagu garwadeen ka ahaa shirka, marka laga reebo shilimaad yar oo loo qeybiyey xubnihii ka soo qayb galay shirka kadib markii uu shirku dhamaaday.
 
Yaa Soo xaadiray Shirka?.

Shirka waxaa soo xaadiray xubno intooda badani ka yimid dalka dibadiisa, gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub, waxa ay ahaayeen xubno la soo xulay, oo ay soo xuleen safaaradaha dalalka ay dhalashadooda haystaan, waxaana la xaqiijiyey in markii horeba ay ahaayeen xubno u shaqeeya sirdoonka dalalka ay ka yimaadeen.

Go’aanadii Shirku ma ahaayeen wax cusub?.

Shacabka Soomaaliyeed ee sida dhow ula socday shirka, uma ahayn Go’aanadii ka soo baxay shirka go’aano cusub, ee waxa ay ahaayeen wax markii horeba la filayey, maxaa yeelay culumadu waxa ay akhriyeen go’aamo la sii diyaariyey oo loo qoray, go’aanadu ma ahan wax cusub oo aan horay loo maqal.

Waxaan ognahay in dowladaha Maraykanka iyo Yurub ay Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin u yaqaaneen ARGAGAXISO, dhanka kalena ay dowladda Xasan Sheikh u yaqaaneen in ay tahay dowlad sax ah oo laga Ictiraafsan yahay UN-ka.

Hadaba Culumadu ayaga oo intaas sharciyeynaya ayey ku dhawaaqeen in Shabaabul Mujaahidiin ay yihiin
1:- Khawaarij ay tahay in lala dagaalo. Iyo in
2:- Dowladda Xasan Sheikh ay tahay Dowlad Islaami ah oo ay tahay in la taageero.
 
Maxaa Natiijo ah oo ka dhashay go’aan-kii ay culumadaasi saxiixeen?

Ma ahan wax fudud in qof culumo ahi uu ka qayb qaato, xaadiro, fariisto, taageero, ka hadlo, shir noocaan oo kale ah, maxaa yeelay, sida muuqata shirka waxaa qabtay CIA-da maraykanka, qof kasta oo ka qayb qaatayna waxa uu si cad u galay safka cidii shirkaas qabatay.
Shirka waxaa ka dhashay Natiijooyin wada kharaar oo dhowr ah.

1:- Shirka waxaa lagu go’aamiyey in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay tahay Xarako "Khawaarij” ah, ayna waajib tahay in lala dagaalamo, dhiiga Shabaabul Mujaahidiinna uusan lahayn wax qiimo ah (Hadur yahay). Tani waxa ay xalaalaysay, in Dowladda Maraykanku ay shacabka Soomaaliyeed duqayn ku baabi’iso ayada oo ugu marmarsiyoonaysa in dadka ay laynayaan ay Shabaab yihiin, waana arin dhacday dhow mar kadib intii uu shirku dhamaaday.

2:- Go’aanadii Shirka waxaa lagu baneysanayaa xoolaha shacabka Soomaaliyeed, ayada oo lagu qaadanayo magaca waa xoolo "Khawaarij” taas oo ah midda ay culumadu u sharciyeeyeen.

3:- Sida ii muuqata aniga, Xubin kasta oo ka qayb qaatay, xaadiray, ka shaqeeyey shirkaasi waxa uu hadaf u yahay Shabaabul Mujaahidiin, oo uu asagu dhiigooda ka dhigay mid hadur ah oo aan qiimo lahayn, waxaana meesha ka bixi doonta "wadaad miskiin ah oo masaajid ka soo baxay ayaa madaxa la jabshay”.

4:- Go’aanadii Shirku waxa ay go-gol xaar u ahaayeen shirkii maanta oo ay bishu tahay 1-dii Febraayo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qayb galeen madaxweynayaasha dalalka deriska Soomaaliya la ah ee Ethiopia, Kenya iyo Soomaalida Jabuuti, shirkaas oo lagu taageeray Go’aanadii ka soo baxay shirkii Culumada ee ahaa in si wadajir ah loola dagaalo Shabaabul Mujaahidiin.
 
Gabagabo iyo Gunaanad:-.

Sinnaba caqli toosan iyo diin saxi ma ogolayn, in qof muslim ahi uu qayb ka noqdo gole lagula dagaalamayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, sidoo kalena lagu wax yeelaynayo shacabka Soomaaliyeed, sida aan wada og nahay in badan oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed way iska diideen in ay qayb ka noqdaan shir caynkaas oo kale ah, xattaa kuwii fikir ahaan ka soo hor jeeday Shabaabul Mujaahidiin.

Shirkii wuu dhamaaday, Go’aanadiina way soo baxeen, Balse Su’aashu waxay tahay,, MUXUU KU SOO KORDHIYEY SAAXADA AAN KA AHAYN IN BANAANKA LA SOO DHIGAY WIXII CALOOSHA LAGU QARSANAYEY.

W/Q Warsame Faarax

Related Items

Update cookies preferences