Sawirro: Sidaan ayuu udhacay weerarkii Janaay Cabdalla ee Jihaadiyiintu ay ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo Maxaabiis.

Wednesday March 08, 2023 - 10:29:39
Liibaan Jeexoow
Mu'asasada Alkataa'ib ayaa soo bandhigtay sawirrada dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Sawirrada lafaafiyay ayaa muujinaya ciidamada jihaadiyiinta oo la wareegaya gacan ku heynta saldhigga maleeshiyaad maamulka 'Jubbaland' ee Janaay Cabdalla.

Sawirrada ayaa lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo saanado hub ah oo ugacan galay jihaadiyiinta, sidoo kale waxaa sawirrada lagu daawan karaa meydadka tobanaan askari oo lagu dilay weerarkii shalay dhacay.

Aqoonsiyada saraakiil katirsan madaxtooyada Axmed Madoobe ayaa ka muuqanaya sawirrada ay Alka'taa'ib faafisay.

Sawirrada ku daawo PDF
Halkan ka degso sawirrada oo dhammeystiran RAR

Related Items

Update cookies preferences