Wax ka ogow calooshood u shaqeystayaasha Wagner Group.

Tuesday June 27, 2023 - 10:20:26
Liibaan Jeexoow
Muddo dheer waxa dunida caadi ka ahaa isticmaalka ciidammo murtasiqo ah kuwaas oo hadba meeshii looga baahdo tagi jirey. Markii ugu horreysay ee la arko ciidammo calooshood u shaqeystayaal ah waxa lagu sheegaa qarnigii 12aad.
Haddaba sannadahan dambe waxa la horumariyey adeegsigii murtasiqada waxaana laga dhigey shirkado gaar ah oo waddamada waaweyni ku shaqeystaan sida Wagner Group iyo Black Water.

 Shirkadahan ayaa loogu wanqaley magaca Private Military Companies. Haddaba inkastoo shirkadahan kuwooda reergalbeedku ay shaqaynayeen illaa sagaashanaadkii waxa immika aad ah u soo shaac baxay shirkadaha Ruushka oo 2010-kii faragelin ku sameeyay dalalka Siiriya iyo Ukraine.

Waxa kale oo xusid mudan in Ruushku leeyahay taariikh dheer oo uu adeegsadey ciidamo wakaaladeed oo xilligii Soofiyeedka la oran jirey Soviet Volunteer Group, kuwaas oo ka qayb galey dagaalkii Shiinaha iyo Jabbaanka 1937(Second Sino-Japanese War 1937) xilligaa se Moscow waxay diiddey in ay wax xiriir ah la leedahay ciidankaas oo u badnaa duuliyeyaal. Haddana waxa la sheegaa in dagaalkii Finland iyo Soviet-ka November 1939 uu Ruushku isticmaaley ciidan inkastoo dowladdii xilligaas uu majaraha u hayey Wille Kuusinen oo ahaa siyaasi Finnish xagga Ruushka u janjeera.

Xilliyadii dagaalkii qaboobaa ee siddeetamaadkii Ruushku wuxu waddamada uu danaha ka leeyahay u diri jirey kooxo huwanahaa magaca la taliyeyaal(advisors) kuwaasoo inta badan iman jirey bariga dhexe.

Moscow ayaa intii uu talada la wareegay Putin istustey in ay samaysato kooxo calooshood u shaqeystayaal ka madax bannaan ciidamada rigliga ah ee Ruushka kuwaasoo ka jaban kana mushahar yar kuwa caadiga ah, xeerarka caalamiga ahina aaney qabanayn, maaddaama oo waddanka dhistey uu diidi karo goorta uu doono in uu xiriir la leeyahay.

Wagner Group oo dadka qaar ay yiraahdaan Vagner taariikhda la aas aasey si cad looma sheego laakiin waxaana la aamminsan yahay in si rasmi ah loo ogaadey 2014, waxaana madax ka ah nin ay aad isugu dhawaayeen Vladimir Putin oo la yidhaa Fiktoroofij Birigoshin (Viktorovich Prigozhin). Prigzhin ayaa dhashey sannadkii 1961-kii, dadka qaar waxay u yaqaanneen cunto kariyihii Putin, waxa aanu lahaa makhaayad cunto oo u adeegi jirtey aqalka Ruushka looga taliyo ee Kremlin.

Prigozhin ayaa sidoo kale madax ka ahaa shirkado lagu eedeeyo in ay ku lug lahaayeen faragelintii doorashada Mareykanka 2016. Kooxda Vagner ayaa hadda ka dagaallama waddamo ay kamid yihiin Suudaan, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Liibiya, Mali, Ukraine iyo dalal kale.

Haddaba shaley waxa aad u baahay warka sheegaya in taliyihii guud ee kooxdaasi uu ka goostey Ruushka isaga oo qorsheeyay in uu xoog ku tago illaa Moscow, waxa se mar dambe dhexdhexaadin ku baaqey madaxweynaha Bellaruus, taas oo keentay in Wagner Group ay xeryahoodii ku noqdaan.

W/Q Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences