Sawirr+Codad: Beesha Murusade oo ku dhawaaqday in ay iska difaaci doonto duullaan uga yimaad ciidamada Xasan Sheekh.

Thursday August 10, 2023 - 09:47:06
Liibaan Jeexoow
Kadib kulan ballaaran oo beesha Murusade ay ku qabsatay deegaanka Jacar ee bariga gobolka Galguduud ayay kasoo saareen go'aamo ku saabsan dagaalka uu iclaamiyay Xasan Sheekh.
Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen waxgaradka iyo cuqaasha Murusade ayay ku sheegeen in aysan ogolaan doonin in maleeshiyaadka dowladda ay kusoo duulaan deegaanadooda islamarkaan ay udiyaar garoobeen dagaal ka dhan ah ciidamada huwanta ah.

Ugaas Cabdullaahi oo ah Ugaaska Murusade ayaa kalimad uu ka jeediyay kulankii Jacar uga hadlay arrimo muhiim ah halkan ka dhageyso kalimadda MP3

Related Items

Update cookies preferences