Sawir:Khariiradda Awoodda Ciraaq iyo ISIS oo Dhul Horleh Qabsatay.

Monday June 23, 2014 - 12:22:01
15500
Super Admin
Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah "ISIS" ay wali sii wadaan horumarrada ay ka sameynayaan jabahaadka kala duwan ee dagaalka.


Kadib dagaallo saacado badan qaatay ayay xoogaga ISIS ugu suuratagashay in ay qabsadaan magaalada Rudba ee dhacda xad beenaadka ay wadaagaan Suuriya iyo Urdun.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in mujaahidiinta ISIS ee sunniga ah iyo xoogaga qabaa’illada ay si buuxda uqabsadeen macbarka Daryabeel ee laga koontaroolo xadadka ay wadaagaan Suuriya iyo Urdun.

Wasiirka ammaanka Urdun ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka xukuumadda Al Maaliki ay ka carareen Koontaroolka xadka ayna qabsadeen xoogaga ISIS.

Sidoo kale mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah waxay si buuxda ula wareegeen gobolka Naynawa ee waqooyiga Ciraaq ee xaruntiisu tahay Muusil.
Garoonka melleteriga Talacfar ayay ciidanka cadawgu isaga carareen waxaana halkaasi yaal diyaarado dagaal iyo keydad hub ah.

Khariirad uu baahiyay Telefeshinka Al Jazeera ayaa muujinaysa in intabadan magaalooyinka gobolka Al Anbaar ay ugacan galeen ciidamada Mujaahidiinta.


Calaamadda Jaallaha waa magaalooyinka gacanta ISIS ku jira,calaamadda Casaanka waa magaalooyinka dagaaladu ka holcayaan ee aan dhinacna u dhicin dhibicda madoow ayaa ah magaalooyinka Kooxaha Kurdiyiinta maamulaan.

Halkan Guji si aad u aragtid Khariiradda oo weyn



Isha Sawirka:Aljazeera.net

Related Items

Update cookies preferences