Sawirro: Duqeymo ay dad ku dhinteen oo diyaaradaha Kenya ay ka geysteen Ceelcadde iyo Saakoow.

Wednesday September 13, 2023 - 10:01:01
Liibaan Jeexoow
Dowladda Kenya ayaa markale duqeymo laayaan ah ka geysatay deegaanno dhaca Koonfurta dalka Soomaalia.
Duqeynta ugu khasaaraha badan ayay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen degmada Ceelcadde ee gobolka Gedo sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Diyaaradaha Kenya waxay dhowr gantaal labeegsadeen guri ay deganaayeen dad shacab ah iyo masjidka weyn ee Ceelcadde, qof haween ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay duqeynta halka 6 qof oo carruur ubadan ay dhaawacyo soo gaareen.

Sawirro lagasoo qaaday goobaha ay duqeymuhu beegsadeen ayaa muujinayay burbur lixaad leh oo gaaray dhismayaasha, meelaha kale ee laduqeeyay waxaa kamid ah masjid jaamac ay muslimiintu ku tukadaan salaadaha.

Waxgaradka gobolka Gedo ayaa si kulul udhaleeceeyay falkan foosha xun ee ay geysanayo dowladda Kenya.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Saakoow ayaa sheegaya in markale xalay ay duqeymo culus ka dhaceen gudaha iyo hareeraha degmada, dhowr gantaal ayay diyaaradaha Kenya laheleen guryo ay shacab deganaayeen iyo goobo ganacsi balse lamasoo sheegin khasaara dhimasho ah.

Hoos ka daawo sawirrada duqeynta degmada Ceelcadde.

Related Items

Update cookies preferences