Sawirro: Diyaaradaha Kenya oo duqeymo ka geystay degmooyinka Bu'aale iyo Ceelcadde.

Tuesday October 03, 2023 - 17:20:47
Liibaan Jeexoow
Diyaaradaha dowladda Kenya ayaa xalay duqeeyay Magaalooyinka Bu'aale iyo Ceelcadde ee gobollada Jubbada dhexe iyo Gedo.
Degmada Bu’aale Xalay fiidkii Saacadu markii ah ahayd Sadax sac ayay madaafiic u qeybiyeen xaafadaha degmada, iyagoo Beegsaday goobo danta guud ah sida madarasada daarul huddaa geerash uu laha ganacsade caan ka ah magaalada iyo guri ay daganaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhinaca kale diyaaradaha dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn kale la beegsaday degmada Ceelcadde ee wilaayada islaamiga ee Gedo.
Saacadu markay aheyd 7 saac oo habeen barkii ah waxaana magaalada ay ku garaacday illaa sadex gantaal oo geystay bur bur hantiyadeed.

Related Items

Update cookies preferences