Joe Biden oo ku faanay in ay dhan walba ka taageerayaan Yahuudda Xasuuqa ku haysa shacabka Falasdiin.

Wednesday October 11, 2023 - 11:30:52
Liibaan Jeexoow
Dowladda Mareykanka ayaa markale sheegtay in ay taageero dhan walba ah siinayso maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ee xoogga ku haysta dhulalka Falasdiin.
Joie Biden oo xalay shir jaraa'id ku qabtay xarunta Aqalka Cad ayaa sheegay in dowladdiisu ay dhan walba ka taageerayso maamulka Yahuuda isagoona cambaareeyay muqaawamada ay Xamaas hoggaaminayso.

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa ku faanay taariikhda soo jireenka ah ee xukuumadda Washington ay u leeyahay taageeridda dadka Yahuudda.

Xoogagga Muqaawamada Falasdiin ayuu Biden ku sifeeyay argagaxiso ay mudantahay in lalaayo, marnaba sooma hadal qaadin Xasuuqa ay ciidamada Yahuuddu ku hayaan shacabka rayidka ah.

Wuxuu soo hadal qaaday in maraakiib dagaal,diyaarado iyo saanado melleteri ay udireen Yahuudda si ay hubkaas ugu layso shacabka muslimiinta Falasdiin.

Related Items

Update cookies preferences