Shacabka degmada Buq-Aqable oo dhigay dibadbax ay ku taageerayaan Falasdiin.

Sunday October 22, 2023 - 19:24:59
Liibaan Jeexoow
Degmada Buq-aqable ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, si la mid ah degmooyinka kale ee wilaayaadka islaamiga ah waxaa ka dhacay isku soo baxyo ballaaran oo lagu taageerayo muslimiinta reer Falastiin, sidoo kalena xanuunka lagula qaybsanayo walaalaha reer Gaza ee duqaymaha bahalnimada ah kala kulmaya Yahuudda.
Isku soo baxani oo ahaa mid ballaaran ayaa ka dhacay mid ka mid ah fagaareyaasha degmada Buq-aqable waxaana sida sawirrada la dheehan karo ay dadku socod dheer kusoo mareen jidadka magaalada, iyagoo ugu dambayn isugu yimid bartamaha degmada, waxayna ku dhawaaqayeen halku dhigyo lagu taageerayo guulaha muslimiinta ay ka gaareen Yahuudda, kalimaad kala duwan ayaa goobta la jeediyay. Culimo, waxgarad iyo nabadoonno ayaa goobta ka hadlay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

Related Items

Update cookies preferences