Xamsa Barre oo halis ugu jira in xilka laga qaado. Waa maxay sababtu?

Tuesday November 07, 2023 - 10:20:08
Idriis Ali
Raiisul wasaaraha DF Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmaya cadaadis iyo cambaarayn kaga imaanaya xubno xilal sare ka haya maamulka uu ka tirsanyahay ee DF kuwaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha DF, Xassan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu ka dhawaajiyay hadallo ka caraysiiyay dawladaha iyo hay'adaha reer galbeedka ee taageera.
Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Shabakada Wararka SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud uu aad uga carooday hadal dhawaan kasoo yeeray Xamse Cabdi Barre kaas oo ahaa inay taageersanyihiinXarakada Xamaas, dhanka kalena dhaleeceeyn xooggan uu ugu jeediyay maamulka Yuhuuda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida aan kasoo xiganay ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay u arkay hadalka Xamse Cabdi Barre mid isaga si gaar ah loogu xumaynayay maadaana xilliga uu hadalkaas ka dhawaajinayay Xamse uu Xasan ku sugnaa wadanka Imaaraatka Carabta oo saaxiib dhow la ah maamulka Yuhuuda.

Xamse Cabdi Barre ayaa goob munaasabad ah ka cambaareeyay maamulka Yuhuuda iyo wadamada reer galbeedka wuxuuna dhanka kale ka dhawaajiyay in xarakada Xamaas ee ka dagaalanta Falastiin aysan ahayn urur argagixiso ah balse ay yihiin Mujaahidiin xornima-doon ah.

Xamse ayaa sidoo kale Yuhuuda ku tilmaamay inay yihiin Eeyo iyo daanyeerro, waana ereyga uu Xasan Sheekh Maxamuud aad uga carooday.

"Xamse si xamaasad leh ayuu u hadlay mana uusan ilaalin xeerarka iyo nidaamka diblomaasiyada caalami ah. Dhibaato siyaasadeed ayuu cagaha noo geliyay, waa masuuliyad darro inaad urur Maraykanka iyo Yurub u aqoonsanyihiin aragigixo aad taageero u muujiso adigoo dhanka kale wadamaas maalin walba ka baryaya taageero aad kula dagaalanto urur argagixiso ah oo dalkaaga ka dhisan” Sidaas waxaa yiri sarkaal ay isku dhawyihiin madaxweynaha DF.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshaynayo abaabulka mooshin xilka looga qaado Xamse Cabdi Barre si loo raalli geliyo dawladaha iyo hay’adaha reer galbeedka ah ee ka carooday hadalka kasoo yeeray ee lagu cambaareeyay Yuhuuda.

Xamse ayaa la sheegayaa inuu si hoose uga cudur daartay hadalka kasoo yeeray, balse lama oga in cudur daarkaas ay ku qanci doonaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladaha ka carooday hadalkaas kuwaas oo ah kuwa ay ku tiirsantahay DF kana taageera dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo la dagaalanka xoogaga Islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences