Damaca Abiy Axmed iyo dibad wareegga Xasan Sheekh!

Saturday November 18, 2023 - 11:09:22
Idriis Ali
Bishii ugu dambeysay waxa dhowr jeer oo isxiga uu Abiy Axmed ka hadley sidii ay Itoobiya u heli lahayd bad. Helitaanka badda oo xukuumadda Addis Ababa u noqdey bartilmaameedkeeda koowaad ayaa waxa ay u dejisay qorsheyaal kala horreeya.
Qorshaha koowaad waxa uu noqdey bal horta in la sameeyo ciidanka badda oo la sheegay in Faransiisku tobabar gaar ah siiyey. Inkasta oo dadka qaar leeyihiin in tobabarka ciidanka badda Itoobiya ay ku qaateen harada Tana ee uu ka soo bilaabmo Niilka Buluugga ahi.

Abiy oo dorraad hadal ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya waxa uu caddeeyay in damaca Itoobiya ee baddu aanu ahayn wax hadda uun soo bilaabmey ee uu yahay wax hore u soo jirey. Dadka aan taa ogeyn waxa uu ku tuhmay dad aan adeegsan YouTube ama uu ka maqan yahay.

Hadallada cadcad ee RW Itoobiya waxa kamid ahaa "Dadku haddii ay dhibaato gaadho ma jirayaan wax sharci la yiraa” taas oo caddayn u ah sida Abiy uu ahmiyadda koowaad uga dhigey helidda marin badeed isla markaana u isaga indho tirey ‘Xuduudaha duwaliga ah’.

Dhanka kale Xasan Gurguurte waxa uu la gaaf wareegayaa sidii uu lacago badan ugu heli lahaa qaab tuugsi ah. Dawarsiga siyaasadeed ee Gurguurte waxa daba socda qorshe kale oo noqonaya sidii ATMIS baaqi ugu ahaan lahaayeen Soomaaliya. Maalin ka hor Xasan waxa uu tagey dalka Burundi oo ciidamadoodu joogaan Soomaaliya. Xogaha qaar ayaa sheegaya in Gurguurte uu kala hadley dhiggiisa Burundi Evariste Ndayishimiye sidii ciidankiisu muddo dheeraad ah u sii joogi lahaayeen Somalia.

Marka laga yimaaddo hadal tirada madaxdu adeegsadaan markii ay kulmaan ee ah waxaanu ka wada hadalney iskaashiga labada dhinac ee ganacsiga, waxbarashada iyo amniga waxa Wakaaladda Wararka Burundi sheegtay in Gurguurte uu ka codsadey Evariste in uu booqasho ku yimaaddo Soomaaliya.

Xasan waxa uu mar hore kharash lacageed ka weydiistey madaxweynaha Uganda kaas oo sheegay in ay askartooda la wadaagi karaan cuntada balse aaney lacag u heli karin Somalia.

Gurguurte tan iyo markii uu timaha la baxey waxa marba marka ka dambeeya sii muuqanaya fashilkiisa siyaasadeed, tuugsiga iyo sharaf dilka umadda waxaana uu quus ka taagan yahay la dagaallanka AS.

Sida ilo xog ogaal ahi tibaaxayaan dhawaan Xasan Sheekh waxa uu wasiirradiisa ku canaantey sida ay fadhiidka u noqdeen isla markaana aaney uga qayb qaadan dagaalka ka dhanka ah Islaamka. Marka la qiimeeyo xaaladaha ay ku kala sugan yihiin hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Soomaaliya ee maanta waxa ay kala noqonayaan halgame iyo hanfade sida ay u kala horreeyaan.

W/Q  Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences