Al Burhaan oo wacad ku marey in aanu aqbali doonin nabad aan shacabkiisa dan u ahayn.

Tuesday December 05, 2023 - 16:11:46
Idriis Ali
Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Ciidanka Sudan waxa uu bayaamiyey maalinnimadii Axadda in aaney marnaba dowladdoodu wadahadal la furi doonin kooxda RSF illaa heshiisku noqonayo mid ka turjumaya rabitaanka shacabka reer Suudaan.
Cabdifataax waxa uu eedayn u soo jeediyey awoodaha siyaasadeed ee taageeraya kooxda RSF.

Wadahadallo kal hore lagu qabtey magaalada Jidda oo ay Sucuudiga, Immaaraatka, IGAD iyo Mareykanku dhexdhexaadinayeen ayaa burburey ka dib markii Al Burhaan uu hakiyey. Ciidamada Dowladda ayaa dalbadey in xooggaga RSF ay ka baxaan guryaha shacabka ee ay gabbaadka ka dhiganayaan.

Dhinaca kale hoggaamiye Burhaan waxa uu dhaleecayn u jeediyay awoodo siyaasadeed oo uu sheegay in ay dani gaar ah ka raadinayaan taageeridda kooxda RSF.

Dhawaan ayay ahayd markii masuul sare oo ka tirsan Golaha Sare ee Ciidamada Sudan uu Immaaraatka ku eedeeyay in ay dabada ka riixayaan dagaalka isla markaana ay taageero millateri u fidinayaan fallaagada RSF.

C/fataax Burhaan ayaa ugu dambeyn carrabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay sii wadidda wax uu ugu yeeray "Dagaalka Sharafta” kaas oo lagaga takhallusayo RSF laguna soo celinayo haybaddii dalka.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences