Xuuthiyiinta oo weerarey markab u socday Israel.

Tuesday December 12, 2023 - 16:54:10
Idriis Ali
Sida laga soo xiganayo Warbaahinta Yuhuudda markab laga leeyahay dalka Norway ayaa xooggaga Xuutiyiintu beegsadeen. Markabkan oo marayey Baabul Mandabka ayaa u socday dekedda Yuhuudda ee Asduud(Port of Ashdod).
Markabkan ayaa ku aaddanaa xeebaha Yuhuudda afarta bisha koobaad ee sannadka 2024. Sarkaal u hadley Xoogagga Xuutiyiinta ayaa sheegay in markab wata calanka dalka Norway ay gantaalo la beegsadeen ka dib markii uu u hoggaansami waayey digniinihii ay bixiyeen.

Dhanka kale sarkaal Ameerikaan ah oo la hadley Al Jazeeri waxa uu sheegay in doon mareysay baabul menadbka ay Xuutiyiintu gantaalo la eegteen isla markaana ay waxyeello soo gaadhey markabka.

Xoogagga Xuutiyiintu waxa ay hore u caddeeyay in ay raacdayn doonaan maraakiibta u socda Yuhuudda ilaa xabbad joojin rasmi ahi ka hirgaleyso marinka Qaza. Dagaalka marinka ayaa galey maalintiisii 67aad waxaana weli sii socda duqeymaha dadka shacabka ah ay la beegsanayaan sahaayinadu.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences