Isbaheysi ka dhan ah Xuuthiyiinta laguna difaacayo maraakiibta adeegsata Badda Cas oo lagu dhawaaqay.

Tuesday December 19, 2023 - 16:45:54
Idriis Ali
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay iney sameyneyso isbaheysi ka kooban 10 dowladood kaas oo looga hortagyo weerarada Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah Maraakiibta iyo doomaha isticmaala badda cas.
Kadib weeraro is daba joog ah oo ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ku beegsadeen maraakiibta iyo doomaha uraran maamulka Yahuudda ee isticmaala xeebaha badda Cas.
Xukuumadda Washington ayaa ka dhawaajisay isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xuuthiyiinta.

Wasiirka G/dhigga ee dowladda Mareykanka Lloyd Austin ayaa maalintii shalay oo isniin aheyd ka dhawaajyay iney billaabayaan howlgal ay ka qeyb galayaan dowlado dhowr ah, kaas oo lagu ilaaalinayo bad qabka maraakiibta ganacsi ee isticmaasha badda cas, kadib weeraro badan oo sawaariikh iyo diyaarado Drone ah loo adeegsaday oo ay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay ka getsteen dalka Yeman.

Austin oo booqasho ku jooga dalka Baxreyn oo ah dalka marti galiya maraakiibta ugu badan Maraykanka ee ku sugan mandiqadda loogu yeero bariga dhexe ayaa shaaca ka qadaay, in wadamada ka qeyb galaya isbaheysigaan cusub ee ka dhanka ah Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay ka mid yihiin Ingariiska, Baxreyn, Canada, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Seychelles iyo Spain, Waxa uu intaasi ku daray inay dhammaan dowladahaan iyo kuwa kale ee qeybta ka ah isbaheysiga cusub ay si wada jir ah ay ilaalo uga samayn doonaan Koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xukuumadda Washington oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday isbaheysigaan ayaa waxaa loogu magac daran "Tartanka Ami ee Jinsiyadaha kala duwan leh" waxaana qeyb ah 10 dowladood oo qaarkood aan kor kusoo xusnay.

"Wadamada doonaya in ay dhisaan mabda'a aasaasiga ah ee xorriyadda socdaalka badaha, waa in ay isu yimaadaan si ay uga hortagaan taxaddiga ka imaanaya kooxdaan" ayuu Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ku yiri bayaan uu soo saaray.

Austin ayaa sheegay in isbahaysigaan xagga ammaanku uu ka shaqeyn doono, islamarkaana ay ujeedadiisu tahay in la xaqiijiyo xorriyadda socdaalka badaha ee dhammaan dalalka, iyo in kor loo qaado amniga gobolka iyo barwaaqada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay taageerto xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa sare u qaaday weerarooda ka dhanka ah maraakiibta shidaalka iyo doomaha ganacsi iyo kuwa kale ee isticmaaha badda cas.

Weeraradaan kadib sharikado badan oo waaweyn ayaa gabi ahaanba joojiyay iney isticmaalaan Baabul Mandab, halkaas oo 40% uu ka gurbi jiray ganacsiga adduunka, waxayna sheegeen ineysan marinkaas isticmaali doonin illaa ay nabadgalyo kusoo laabato sidii hore.

Isniintii lasoo dhaafay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa shaacisay, iney laba diyaaradood oo Drone ah ay ku beegsadeen 2 doomood oo xiriir lalahaa Kayaanka Suhyuuniga ah, kuwaas oo isticmaalayay xeebaha badda cas, mid kamid ah doomahaas ayaa waxaa ka babanayay calanka dowladda Norwey,
Weerarkii ugu xoogganaa ee ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta kusoo qabsadaan markab wayn oo uu leeyahay Maamulka Yahuudda ayaa dhacay bishii Novermber ee lasoo dhaafay, kaas oo siday 22 Qof oo Yahuud ah, iyo gawaari aad u badan, waxaana markabkaan oo ku socday dalka Hindaya kamiin u galay maleeshiyaatka Xuutiyiinta xilli markabka uu marayay xeebaha dalka Yaman.

Muuqaal ay goor dambe baahiyeen ayay Maleeshiyaadkaan kusoo bandhigeen qaabka uu udhacay weerarka ay ku qabsadeen Markabka laga leeyahay Yahuudda, kaas oo lagu weeraray doomo dheereeya iyo diyaarado Helicopter ah.

Weeraradaan xargaga goostay ayaa ugu dambeyn sababay iney joogsadaan maraakiibtii iyo doomihii isticmaali jiray xeebaha badda cas, ariinkaas oo saameyn adag ku yeeshay sharikado waaweyn oo ku yaalla caalamka, kuwaas oo badeecadaha ay soo saaraan loo dhoofin jiray qaar kamid ah dowladaha caalamka eek u teedsan xeebahaan

Related Items

Update cookies preferences