Muqaawamada Falasdiin oo Sawaariikh roobka uga dhigay magaalooyinka Yahuudda.

Monday January 01, 2024 - 17:41:19
Idriis Ali
Saacadihii ugu horreeyay ee sanadkan cusub 2024 ayay xoogagga muqaawamada Falasdiin weeraro culus ku qaadeen dhowr magaalo oo ay haystaan Yahuudda Sahyuuniyadda.
Wararka ka imaanaya Falasdiin ayaa sheegaya in tobanaan sawaariikh ah loo gemay dhanka magaalooyinka Casqalaan iyo Talbaabiib oo ah deegaanno xoog lagu dejiyay dadka Yahuudda.

Dhinaca kale iska hor'imaadyo culus ayaa xoogaga muqaawamada iyo ciidamda Sahaayinada ku dhaxmaraya xaafadda Khaan Yuunis ee jiidda Qaza.

Katiibada Cizudiin Al Qassaam ayaa sheegtay in ay weeraro jidgal ah udhigtay cutubyo katirsan ciidanka Yahuudda kuwaas oo ku socdaalayay xaafadaha qadiimiga ah ee magaalada.

Related Items

Update cookies preferences