Yaa ilaalin kara midnimada dhuleed ee Soomaaliya? (Maqaal).

Saturday January 27, 2024 - 09:58:33
Idriis Ali
Intii sannadkani bilaambey waxa aad u soo shaac baxdey hadal haynta cidda xaq u leh ilaalinta madaxbannaanida dhuleed ama badeed ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalku waxa ay ku doodeysaa in ay iyadu xaq u leedahay ilaalinta badda iyo berriga Soomaaliya, halka maamulka Somaliland uu sheeganayo in uu xaq u leeyahay heshiis la gelidda ciddii uu doono haddii uu maslaxo u arko. Maamullada kale ee iyagu ku dooda in ay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalku markii ay doonaan ayaa ay ka hor yimaaddaan.

Tusaale ahaan maamulka Galmudug waxa uu Itoobiya ka codsaday koronto in la soo gaarsiiyo sida uu sheegay Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, halka dhanka kale Xasan Sheekh uu diidey kulan dhexmara isaga iyo Abiy Axmed. Xasan Gurguurte oo mar laga wareysanayey Telefishanka Al Jazeera waxa uu ku nuuxnuuxdsadey in Itoobiya xaq u leedahay helitaanka marin badeed balse habka ay hadda u mareyso ay khaldan tahay, in ayaga la soo marona ay ahayd.

Ambassador-ka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo shaley Addis Ababa ku laabtey waxa uu ka dhawaajiyey in xataa haddii ay Soomaaliya heshiiska MoU-ga ah la geli lahaayeen in aaney Somaliland oggolaateen in Itoobiya soo degto dhulkeeda waayo waxay isku arkaan dal madax bannaan.

Haddaba dadka sidaa isu khilaafsani ma hanan karaan midnimada dhuleed ee Soomaalida? Ma yihiin quwad lagu tashan karo oo cadaawaha iska dhicin karta? Maxaa kuwa loogu yeero Beesha Caalamku uga qaylo dhaaminayaan khatarta heshiiska oo ay u leeyihiin Alshabaab baa ka faa’ideysan karta?.

Sow ma aadan xaqiiqsan in Alshabaab ay tahay isha keliya ee Soomaaligu leeyahay marka ay noqoto difaacidda qarannimada Soomaalida? Marka aad eegto Map-ka dowlad deegaannada Itoobiya waxa aad loo soo durkiyey xuduudka qoomiyadda Oromada oo la keenay meel u dhow gobolka Awdal.

Haddaba intii aanu Muuse heshiiska la gelin Itoobiya waxa jirey is Afgarad xildhibaanno ka tirsan Awdal oo ku metela Somaliland iyo Dowladda Federaalkaba kuwaas oo in heshiis lala galo Itoobiya caadi u arkayey waxa se weydaartey Muuse Biixi isaga oo ka fogaanayey in maamulkiisa dhaawac gaaro.

Siyaasadaha gurracan ee siyaasiyiinta iyo odey dhaqameedyada hadda Soomaaliya u taliyaa waxkale kuma dhisna oo aan dhuuni ahayn. Caadi ahaanba DF ah waxa dhistey Itoobiya lagamana yaabo in uu nidaamku caarido ninkii dhisey, waayo horaa loo yidhi "Mutul ninkii dhisaa ka weyn”. Xalka Soomaalidu waxa uu ku jiraa shareecada. Shareeco iska socotaana ma jirto eh ciddii wadda oo dhallinyarada ah hala raaco.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences