Madaxii Farsamada hubka wasaaradda Difaaca Yemen oo lagu dhaxdilay magaalada Al Qaahira.

Monday February 19, 2024 - 11:41:18
Liibaan Jeexoow
Howlgalk qorshaysan oo larumeysanyahay in sirdoonka Yahuudda uu mas'uul ka ahaa ayaa ka dhacay magaalada Al Qaahira ee caasimadda wadanka Masar waxaana lagu dilay mas'uul sare oo katirsanaa wasaaradda difaaca dowladda Yemen.
Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in si qarsoodi ah loo dilay Xasan Bin Jalaal Alcubeydi oo ahaa madaxii farsamada hubka ee wasaaradda difaaca Yemen.

War kooban oo kasoo baxay safaaradda xukuumadda Yemen ee Al Qaahira ayaa lagu sheegay in meydka Bin Jalaal laga helay gurigii uu deganaa, ehelladiisa iyo dadkii la shaqeynayay ayaa lagasoo xigtay in 2 maalmood ay weysanaayeen kadibna dariishadaha laga jebiyay qolkii uu deganaa halkaas oo meydkiisa lagasoo helay.

Sirdoonka dibadda Yahuudda ee Mousadka loo yaqaan ayaa dhowr mar sidaan oo kale dalalka Carabta ugu dilay shakhsiyaad ay si aad ah udoon doonayeen.

Related Items

Update cookies preferences