Sucuudiga oo lagu soo bandhigey Sanam/robot loo bixiyey 'Maxamed'.

Wednesday March 13, 2024 - 21:18:57
Dhulka Xijaas ee barakeysan haddana loo yaqaanno Sucuudiga ayaa lagu soo bandhigey sanam casri ah(robot) oo loo bixiyey magaca Maxamed.
 Bandhiggan oo lagu qabtey caasimadda Sucuudiga ee Riyaad ayaa loo bixiyey DeepFest. Muuqaal daqiiqado kooban soconaya oo laga soo duubey munaasibadda loo qabtey sanamkan ninka loo ekeysiiyey ayaa maalmihii u dambeeyay noqdey mid aad loo hadal hayo(viral).

Fadeexad ka dhacdey goobtii bandhigga ayaa ka sii dhigtey mawduucan mid hadal hayntiisu sii badato. Robotkan la sheegay in uu ku shaqaynayo artificial intelligence-ka ayaa soo muuqday isaga oo si khaldan gadaal uga taabanaya saxafiyad kamid ahayd kuwii barnaamijka daadihinayey. Raywa Qaasim oo kamid ahayd weriyayaasha barnaamijka daadihinayey ayey arrintani la yaab ku noqotey.

Shirkadda samaysay sanamkan oo lagu magacaabo QSS waxa ay dhankooda xuseen in robot-kani iskii go’aammada u qaadanayo oo uu madax bannaan yahay. Shirkaddu waxa ay sidoo kale dadka ku boorrisay in aan aad loogu dhawaan robot-ka xilliyada munaasibadaha.

Boqortooyada Sucuudiga oo maamusha xudduntii muslimiinta ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay noqotay meel lagu faafiyo dhaqan xumooyinkii suubbanuhu kumannaan sano kahor ka tirtirey dhulka barakeysan. Xaflado is xigxigey oo dhammaantood ka horjeeda dhaqanka suubban ee Islaamka ayaa lagu qabanayey Sucuudiga sannadihii ugu dambeeyay.

Dabayaaqadii sannadkii ina dhaafey waxa Riyaad lagu qabtey Tartanka Mahrajaanka Eeyaha halka sannadkii ka sii horreeyayna lagu qabtey Munaasibadda Shayaadiinta ee Halloween.

Related Items

Update cookies preferences