Warka Uhuru Wuxuu La Mid Yahay Warkii Dacawada.. W/Q Suldaan Maxamed Garye.

Tuesday June 24, 2014 - 09:26:20
Super Admin
Qore:Max'med Suldaan Garyare
Qore:Max'med Suldaan Garyare
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!


Waxaa dhawaan deeggaano kamid ah dhulka Muslimiinta laga faramaroojiyey xilliyaddii uu dalka Keenya ka arrimin jirey Joma Kenyatta, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka talada u qabta kadib xornnimadii ay ka qaateen gumaysigii Ingiriiska sannadkii 1963kii. Deegaankaas oo dhaca koonfur Bari dalka Keenya, kulaalana dhul xeebeedka Lamu, ahna dhulkii Muslimiintu lahaayeen xoog sheegashadaas iyo sal kicintaas kahor.

Dhibaatadu qolaba mar ayey marti u tahay, kii shalay gardarro iyo xoog ku naaloonayey, maanta ayaa dhibta iyo qoommamadu ag-taallaa, waana tan Soomaalidu ku maahmaahda ”BAWDO RAG MAALINBA MID BAA QAAWAN”.

Dalka Keenya oo awalba lagu dhisay madaxyo dad Muslimiin ah, garabna ka helay reer Galbeedkii la diinta ahaa, ayaa hadda waxa afkiisa ka soo yeeraya hadallo is-khilaafsan, waallina ka muuqato, kuwaas oo lagu tilmaami karo bilowgii burburka ama jabka iyo kala yaaca.

Sida caadiga ah, haddii dal khal-khal siyaasi iyo mid amni galo, dalkiisa ma ahaandoono mid muddo dawlada sii ahaada, kala dambayna ka sii jiri karto. Waxa kale oo iyana muhiim ah in aan dalka maamulkiisu kala shakiyin ama aysan kala aamin bixin, taas oo caqabado waaweyn ku noqon karta wada shaqaynta saraakiisha siyaasadda ee dalka.

Intaas oo dhacdo marka la isku soo xooriyo waxa bannaanka u soo baxday awoodda tiirarka ay Keenya ku taagan tahay, kuwaas oo u muuqda kuwa dunsan, aboorna cunay. Awood la’aanta madaxda Keenya waxa caddeyn u ah wararka siyaasadeed, ee loo yaqaan ”Warbixin Qaran” Natioanl Speech” ee ay dadka u soo gudbinayaan madaxda dalku, oo u muuqda kuwo is-khilaafsan ama iska soo horjeeda, waxaana caddayn u ah warkan hoose:

Uhuru, oo ah madaxweynaha dalka ayaa in kiraad cad ka muujiyey ciddii ka dambaysay weerarkii dhiigga badan ku daatay, ee ka dhacay bartamihii bishan deeggaanno hoos taga dhul xeebeedka Lamu. Uhuru wuxuu marin habaabin ku sameeyey wixii jirey, ee saxda ahaa, warfidiyeenadda caalamkuna indhahooda ku soo arkeen.

Uhura isaga oo dayaansan, lana jahwareersan waxa ku dhacay qoyskiisa, oo loo soo daabbulay dhulka xeebaha, ee Muslimiinta laga barakiciyey ayaa sidan ku hadaaqay, wuxuuna yiri:

"Our people are vulnerable to reckless leaders and hate mongers who manipulate them to create hate, intolerance and fanaticism … The attack in Lamu was well planned; orchestrated andpolitically motivatedethnic violenceagainst the Kenyan community with an intention of profiling and evicting them for political reasons. This therefore was not an Al Shabaab terrorist attack. Evidence indicatesthatlocal political networkswere involved in the planning and execution of the heinous crimes”.

Warkan oo dad badan, siyaasaddana indha indheeyaa ku tilmaameen war aan ka soo yeerin nin mas’uul ah, fiyoobani lagu tilmaami karo, waayo wuxuu dambiilayaal iyo rag gummaad ku kacay ku tilmaamay madaxdii qaranka Keenya, ee isaga talada la haysay, ummaddana mas’uulka u ahayd.

Uhuru waa mid inkiray ciddii dhacdada ka dambaysay, isaga oo dusha u saaray mid aan gaysan, gaysan karina dhacdadaa lagu beegsaday dad Keenyaan ah, ayna u soo jiideen mas’uuliyiinta Keenya, kadib markii ay iyaguna gummaadeen dad abriyo ah, waxna aan galabsan, dalkoodiina lagu soo duulay.

Alle (swt) isaga oo cabbiraya in Muslimiintu ay xaq u leeyihiin in ay jawaab celin ka baxshaan wixii dhib ah ee loo gaysto, dhibina ku jirin arrintaa ayuu ku sheegay Suuratul-Baqara Aayadeeda 194:

فَمَنِ اعْتَدَىٰ عَلَيْكُمْ فَاعْتَدُوا عَلَيْهِ بِمِثْلِ مَا اعْتَدَىٰ عَلَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِين (الاية رقم {194} سورة { البقرة}

Jalaalaynku wuxuu ku fasirayaa aayaddan in aysan dambi ahayn xaggiina (Muslimiinta), in aad ka aarsataan maaddaama ay iyagu, waa gaaladee, ay idin gardarreysteen, laakiin xadgudubka uusan Alle (swt) oggolayn, Alle dartiisna looga baqo in la xadgudbo.

Madaxdii Uhuru eedeeyey, oo u badan asxaabta Mucaaradka ee Coalition for Reforms and Democracy (CORD), hoggaamiyana u yahay ninkii isagu ciidammadda Soomaaliya geliyey xilliggii uu ahaa madaxa wasiiradda ee Keenya, Raila Odinga, oo hadda arka fashilka siyaasadeed ee Keenya iyo dawladeedaba ka muuqda, danna u arka in uu hadda loolanka siyaasadeed ku galo soocelinta ciidammadda Keenya ee Soomaaliya ku jira, ayaa isna afka furtay, kuna hadaaqay haddallo muujinaya waallidda Uhura laga dareemay.

Raila oo digasho iyo faan ugu jawaabaya Uhuru ayaa isna ku nuux-nuuxsaday sidan:

"Nobody is above the law. No Kenyan other than the President enjoys immunity from prosecution. The law should take its course and nobody should be spared in the hunt for and prosecution of criminal gangs and terrorists who have compromised the safety and peace in the republic,”.

Raila waxa uu leeyahay, qofna kama sarreeyo sharciga, madaxweynuhuna malaha xasaanad uu si gaar ah isagu u leeyahay, dadka kalena ku eedeyn karo dambiyo ay galeen isaga oo aan caddeyn hayn. Sharciguna ma aha mid si gaar loogu adeegsan karo ama loogu ugaarsan karo dambi ay galeen niman qawlaysato ama argagaxiso ah, kuwaas oo khal-khal geliyey amnigii iyo kala dambayntii jamhuuriyadda.

Raila oo sii wata digashadiisii siyaasadeed, isaga oo ka faa’iideysanaya deel-qaafka iyo siyaasad xumada Uhuru hareysay ayuu misana wuxuu Uhuru ku eedaynayaa in uu soo taago maxkamad, dambina lagu soo oogo siyaasiinta uu Uhuru eedeynta u soo jeediyey, isaga oo caddeymo la imaanaya:

"Raila termed the President’s remarks as "rushed judgment” that "could undermine investigations”. The former Prime Minister took issue with the President’s linkage of the attacks to what he called "local political activity”, and a political wing he described as "reckless”, "hate-mongers” engaged in "ethnic-profiling”.

Raila oo tilmaamaya in Uhuru maanka shacabka Keenya khaldayo, isaga oo dadka ka jeedinaya cidda dhibka gaysatay iyo sababaha ay u geesteen oo ah Al-shabaab, iyaga oo ku andacoonaya in ciidammada Keenya ku jiraan gudaha Soomaaliya, xasuuq badanna ka gaysteen, sidaa darteed dadka Keenya amni heli maayaan inta arrintaasi jirto. Raila wuxuu Uhuru ku eedaynayaa in uu iska indho tirayo arrintaas xaqiiqdeeda.

Raila iyo kooxdiisa mucaaradka ahi waa kuwo ku doodaya in dalku galay xaalad khatar ah, dawladda hadda talada haysana ay tahay mid aan ka saari kari karin dalka khatarta haysata, sidaa darteed waa in isbeddel siyaasi ah la sameeyaa, kaas oo nabaddii iyo kala dambayntii ka jirtay dalka Keenya dib loo soo ceshaa.

Waxa ay tilmaamayaan in furaha arrintaasi tahay in Keenya ciidammadeeda kala soo baxdaa Soomaaliya, taas oo markii hore marmarsiinyo looga dhigay in ay ilaalinayaan amniga Keenya, laakiin maanta weji kale yeelatay, taas oo ah in Keenyana amnigeedii gacanta ka baxay, ciidammaddii la dirayna aysan iyana amni haysan, inta badanna ay la kulmaan daggaallo aan joogsi lahayn, ujeeddana lahayn, waxa lagu xaqiijinayana aan ilaa imminka la garanayn.

Uhuru wuxuu imminka la mid yahay Dawacadii carruurta laga laayey, oo tiri yaa carruurtayda laayey, dabadeedna loogu jawaabay carruurtaadii Shabeel ayaa laayey, kuna jwaabtay carruurtayda Shabeel ma layne Ari ayaa laayey, waxa ay sidaa u leedahayna ay tahay iyada oo og in ay Ariga ka adag tahay, laakiin aysan Shabeel ku dhicin.

Haddaba Uhuru ciddii gaysatay dhacdadan, sheegatayna inta uu ka leexshay ayuu u saarey saraakiishiisii, illeyn iyaga waa ka adag yahay, oo Al-shabaab kuma dhacee, taasina waa guul u soo hoyatay Al-shabaab iyo taageerayaashoodaba.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)


Related Items

Update cookies preferences