Hoggaamiyaha Xamaas oo wiilashiisa lagu diley Qaza.

Thursday April 11, 2024 - 13:03:05
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Yuhuudda ee duullaanka ku jooga dhulka Falastiin waxa ay shaley duqeyn ku dileen saddex wiil oo uu dhaley hoggaamiyaha Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniya.
Duqeynta waxa sidoo kale ku nafwaayey carruur uu awoowe u yahay hoggaamiyuhu.

Wiilasha Ismaaciil iyo kuwa ay dhaleen ayaa lagu diley deeganka Mukhayam Shaadi’ oo ka tirsan Marinka Qaza. Wararka la helayo waxa ay tibaaxayaan in isugeyn shuhadada halkaa ku nafwaayey aanay ka yarayn 5qof.

Wiilasha ayaa xilligii duqeynta lala beegsadey saarnaa gaari si ay u soo booqdaan ehelladooda munaasibadda ciidda darteed. Hawlgalkan gaadmada ah waxa fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones-ka.

Xoguhu waxa ay intaa ku darayaan in dhammaan dadkii baabuurka saarnaa geeryoodeen marka laga reebo gabar yar oo dhaawacyo soo gaareen. Masuulyiin ka tirsan maamulka Yuhuudda ayaa dhankooda iclaamiyey in hawlgalkani uu ahaa mid dhagareysan oo ay qorshahooda lahaayeen mukhaabaraadkooda gudaha Qaza.

Waxa kale oo ay ku doodeen in dhammaan dadka geeryoodey ay ka tirsanaayeen garabka dagaal ee Xarakada Xamaas. Dhanka kale xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Yuhuudda Almooq Koohen waxa uu ka dhawaajiyey sida uu ugu faraxsan yahay dilitaanka saddexda wiil iyo labada carruur ah ee yaryar.

Ismaaciil Haniya qaabkee uga falceliyey.

Hoggaamiyaha Xamaas oo Telefishanka Al Jazeera uu kulan la yeeshay waxa uu sheegay in uu Alle uga mahadcelinayo in awlaaddiisu shahaado helaan.
"Ilaahay waxaan ugu mahadnaqayaa in wiilashadeyda saddexda ah iyo kuwaan awoowaha u ahay ay helaan shahaado...xanuunka iyo dhiigga dadkayagu waa waxa noo horseedaya in aanu samaynayno mustaqbal fiican iyo xorriyad ay helaan shacabkeenna isla markaana ay guuleysato qaddiyaddeennu” ayuu yiri Haniya.

Waxa kale oo uu intaa raaciyey in dhammaan dadka reer Falastiin gaar ahaan dadka reer Qazi ay qiime sare ugu kacayso dhiigga inamadoodu kuwaasna uu kamid yahay isagu.

"Waxa qoyskayga/caa’iladdeyda ka shahiidey dad aan ka yarayn 60qof waxaaney kala siman yihiin dadka reer Falastiin” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in gumeystaha Yuhuuddu rumeysan yahay in laynta wiilashooda uu halganku ku istaagi doono balse ay taa ka geddisan tahay oo ay ka sii qaadi doonaan sugnaansho.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences