Sedax katirsan ciidanka Yahuudda oo ku dhintay weeraro ay Muqaawamadu ka fuliyeen hareeraha Qaza.

Monday May 06, 2024 - 11:18:37
Liibaan Jeexoow
Xoogaga muqaawamada Falasdiin ayaa dagaallo culus uga jira dhowr xaafadood oo katirsan magaalada Qaza halkaas oo ay ku dileen askar iyo saraakiil Yahuud ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxaya Katiibooyinka Cizudiin Al Qassaam oo ah garabka melleteri ee Xarakada Xamaas ayaa lagu sheegay in weeraro shalay dhacay lagu dilay laguna dhaawacay 15 askar Yahuud ah.

Khasaaraha ugu culus wuxuu askarta Yahuudda kasoo gaaray duqeyn ka dhacday halka loo yaqaan Kerem Shalom.

Wasaaradda difaaca Sahaayinada ayaa qirtay in 3 askari looga dilay dagaallo 12kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay marinka Qaza, muuqaal Video ah oo muqaawamadu ay faafiyeen ayaa muujinayay iyagoo sawaariikh ku weeraraya saldhigyada Yahuudda.

Related Items

Update cookies preferences