Dar-darta Shiicada iyo Dareen laa'anta dadkeena..W/Q: Waran-dheere

Thursday March 05, 2015 - 20:26:26
Super Admin
Alxamdulillahi Was-salaatu Was-salaamu Calaa man laa nabiya bacda...wa bacd.


waxaana rabaa insha'Allahu tacaalaa hadii uu Allah qadaro inaan qoraalkan kooban uga hadlo Saameynta Shiicada ay mudooyinkii dambe ku yeelanayeen bulshada Soomalida dhexdeeda, iyagoo ku faafinaya Manhajka gaalnimada ah ee Shiicada.

Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaan waxan ka dhageystay Codka Baaruud gurxan oo kamid ah Culima'u suuga taageersan Gaalada, kaas oo ka qeyla dhaaminaya Madhabka Shiicada ee lagu faafinayo magaalada Muqdisho, markaas ayaan ogaadey khatarta halka ay la egtahay,iyo dhagaraha loo maleegayo Umadeena, waxana isku ilzaamiyey ugu yaraan inaan qoraal kooban ka qoro Waxay yihiin Shiicada ,Caqiidada ay aaminsan yihiin iyo xilligii ugu horeysay ee ay Shiicadu soo caanbaxdey, anigoona ugu dambeyn Fariin u diri doona Mujaahidiinta Soomaliya oo ah Bacda Llaah Hamigeena halka uu ku xiran yahay iyo difaaceena.

ugu horeyn waa Maxay Shiico?

Shiico marka loo eego dhanka Luuqadda Carabiga waa dad gar-gaaryaal ah ,waxaana loo adeegsadaa qofka madaxda ah dadka taageerada u ah islamarkaana la safan.

Sida aad la wada socotaan markii uu dhintey Nabi Muxamed Scw, waxaa Khilaafada Muslimiintala wareegey Abii Bakar Al-sadiiq kadib markii ay isku waafaqeen dadka Ahlu-Xal wal-Caqdiga ah, sidaas ayeyna kusoo socotey illaa laga gaaro Khilaafadii Cuthaamn Bin Caffaan.

Markii Cuthmaan la diley waxaa faafey Fitnada, Muslimiintii ayaana isku jeestey sida uu Nabiguba ka digey waagii uu noolaa, waxaana Khilaafada Muslimiinta la wareegey Cali bin abii dhaalib, inkastoo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah Saxaabada.

Fatradaas uu Khilaafka jirey waxaa sameysmay dad Taageeriyaal u ah Cali bin abii dhaalib, kuwaas oo loogu magac darey Al-Shiica, waxayna u arkayeen in Cali uu yahay qofka rasmiga ah ee leh Khilafada,dadka kula doodayana ay yihiin dad khaldamey ,waana bilowga halka uu u laabanayo magacan ,inakstoo markii dambe ay isku bedeleen koox leh Caqaa'id iyo dano gaar ah.

Muda kadib waxay Muslimiintu ku midoobeen hal Khaliif iyagoona ka tagay Khilaafadkii daakhiliga ahaa, waxaana talada Muslimiinta loo dhiibey Mucaawiya bin Abii Sufyaan oo ahaa aas-aasihii dowladii Umawiyiinta,waxana sanadkaas oo ku beegnaa 40 hijriya loo bixiyey Caamul-Jamaaca.

Balse waxa wali jirey dad ku kacsanaa Khilaafada Umawiyada oo Xilliyo badan heysay hogaanka Muslimiinta,waxaana kamid ahaa dadkaas Zeyd bin Cali bin Xuseyn oo kamid ah Aalu-beydka Nabiga,waxaana garab u ahaa Shiicada,balse markan way hormareen Shiicada waxayna ka codsadeen Zeyd inuu ka beri noqdo Abii-bakar iyo Cumar.

Zeyd ayaa arinkan la yaabey wuxuuna ugu jawaabey "sideen beri uga noqdaa Wasiiradii Awoowaheyga oo uu ula jeedo Nabi Muxammed Scw?".markii uu hadalkaas yiri way diideen..wuxuuna Zeyd ku yiri " Ma i diideen?", sidaas ayaana loogu bixiyey Magac ah Rawaafida, waana isbedelkii koowaad ee ku dhaca marka loo eego dhanka Magaca,sidoo kalena waa isbedel xoogan oo soo muuqdey markii ugu horeysay maadaama ay banaanka soo dhigeen cadaawada ay u qabaan Saxaabada Rasuulka si gaar ah Abii Bakar iyo Cumar.

Markii uu noolaa Cali bin Abii Dhaalib waxaa loo qeybin jirey Shiicada Saddex nooc, oo mid walibaahi ay lahayd Xukun gaar ah, waxayna kala yihiin:

ü Al-Mufadila

ü As-Sabaaba.

ü Al-Qullaat.

1:Al-Mufadila:kooxdani ayaa waxay aaminsan yihiin in Cali Bin Abii Dhaalib uu khaliif nimada uga mudnaa Abuu Bakar Iyo Cumar islamarkaana uu ka fadli badan yahay labadaasi saxaabi.

Saxaabiga Cali ayaa radin jirey Shubhada nimankan, wuxuuna Manaabirta ka sheegi jirey in ay ka fadli badan yihiin Saxaabadaas, wuxuuna la halgankooda ku ekaa oo kaliya in la radiyo. iyadoona lagu dhufan jirey Sideetan karbaash oo Tacziir ah.

2:As-Sabaaba: Kooxdani labaad waxay ku xeel dheeran jirtey Fadilida Cali bin Abii dhaalib heer ay gaareen iney caayaan Abuu bakar iyo Cumar Allah haka raali noqde'e.

Waxay ahaayeen kuwa ku badan Shiicada Cali, balse Cali wuxuu ka hor sheegey inuu dili doono ciddii lagu maqlo iyadoo caynaysa Saxaabada Rasuulka, badankoodana way baxsadeen.

3:Al-Qullaat. kooxdan sida magacooda laga dheehanayo waa kuwa xadgudubkooda zaa'id yahay, heer ay gaareen iney Ilaah ku tilmaamaan Cali bin Abii dhaalib, iyagoo aan la gambaneyn, waxaana Awowe u ahaa Yahuudi lagu magacaabo Cabdullahi bin Saba'a oo ahaa ninka aadka u faafiyay Manhajkan gaalnimada ah.

Saxaabiga Cali oo aad uga carooday arrinkan ayaa waxa uu kooxahan ka qaatey go'aan adag oo ah inuu dab ku gubo iyagoo nool, inkastoo ay ku inkireen qaar kamid ah Saxaabada oo uu ka mid yahay Cabbdullhi Ibnu Cabaas.

Cabdullhi bin Saba'a wuxuu ragiisa ku qanciyey in Cali uu yahay Allah, waxaana Caamadii uu arinkaas ka dhaadhiciyey billaabeen iney soo aadaan Cali ,iyagoo weydiiyey inuu yahay Illaahii loo soo sheegey, wuxuuna abaal marintooda ka dhigay inuu gubo.

Saddexdan nooc waxay ahaayeen noocyadii jirey Xilligii Cali bin Abii dhaalib, waxayna noqdeen marki dambe labo nooc oo kala ah, kuwa dib ugu soo laabtey Diinta Islaamka kadib markii uu la niqaashey Saxaabiga Cabdullahi bin Cabaas, halka kuwa kalana ay noqdeen Xagjiriin ku dhegan in Cali uu yahay Alllaah, waana nooca haatan ka jira dunida oo ay hogaamiso dowladda Iiraan.

Marka laga hadlo qaabkii ay u faafeen waa qiso dheer oo u baahan in dib loogu laabto Kutubta ay Culimada ka qoreen Kooxaha lunsan ee u nasab sheegta diinta Islaamka, balse hadii aynu isku dayno inaan soo koobno waxay ahady sidatan.

Yahuudiga lagu magacaabo Cabdullhi Bin Saba'a waxaa mar qabtay Cali Bin Abii Dhaalib oo doonayay inuu dilo balse markii dambe ayuu iska daayey isagoo ka baqey Fitno labaad iney Muslimiinta ka dhex bilaabato, balse wuxuu Yahuudigan ka mam-nuucey inuu joogo magaalooyinka, isagoona u musaafiriyey dhulka baadiyaha ah iyo magaalooyinkii ay markaas furteen Muslimiinta.

Ibnu Saba'a ayaa ka faa'ideystay arinkan waxaana markii laga mamnuucay inuu joogo magaalooyinka uu u hayaamay dhulka Furus oo khilaafadii Cumar ay Muslimiintu furteen, waaxanaa Furus ku sugnaa markaas dad mar dhow qaatey diinta Islaamka oo aan aqoon u lahayn Caqiidada Saxda ah.

Ibnu Saba'a ayaa dadkan ku dhex faafiyey madhabkiisa,waxayna ku qaateen si fudud taas oo keentey inuu yeesho Umad dhan oo inta badan heysta manhajkiisa.

Asbaabaha keeney in Reer Furus ay qaataan Manhajkan waxay Qoraayaasha Taariikhda Islaamka ku tilmaamaan dhowar sabab oo kala ah:

1:dhulka Furus oo ahaa dhul Cajam islamarkaana xilli dhow qaatay diinta Islaamka, taas oo u sahli karta inuu ka dhaadhiciyo wax waliba oo uu sheego iyagoo u hamuun qaba diinta Islaamka.

2: Reer Furus waxay ahaayeen dowlad dhisan oo awood leh inta aysan dumin Muslimiinta, waxaana jirey markaas dad cadaawad u qaba Muslimiinta si gaar ah dadkii madaxda ahaa iyo kuwa dhaqaalaha faraha badan ka qaadan jirey Caamada, waxaana xiqdigaas uu u horseedey iney caayaan Saxaabada si gaar ah Cumar oo Khaliif ahaa marki Muslimiintu furanayeen Faaris.

3:Reer Furus waxay lahaayeen Caado ah iney dahiraan Qoyska maamulka haya, waxayna u raaricin jireen madaxa heer ay Allaah ka dhigtaan maadama waxa u wato Ibnu Saba'a aysan ka duwaneyn Caadadoodii hore, waxayna si sahal ah ku qaateen Virsus-kii uu waday.

Saddexdan sabab ayaa la is dhihi karaa waxay keentey in Madhabka Shiicada uu ku faafo si dhaqsa ah dhulka Furus.

Manhajka Rasmiga ah ee ay leeyihiin Shiiicadu.

Inkastoo Shiicada haatan joogta ay dhowr usii kala baxaan, hadana waxay ka wada siman yihiin Manhajka iyo Ictiqaadka, hadafkoodana waa mid qura oo ah burburinta Muslimiinta Sunnada ah.

Hadaba Caqiidada ay aamin san yihiin waxaa kamid ah:

1: Iney Khilaafadu tahay rukni kamid ah Diinta uuna ku dhawaaqayo Nabiga Scw.

2:In Risaalada uu asal u lahaa Cali bin Abii Dhaalib balsee Jibriil uu ku khaldamey Nabi Muxamed Scw!!

3:In Qur'aanku yahay qeyb kamid ah Sagaal jus oo uu Allaah soo dejiyey iyagoo aaminsan inuu ku jiro Taxriif iyo micno bedelid ay sameeyeen Saxaabada.

4:In Caayda Saxaabada si gaar ah Cumar, Abuu bakar iyo Caa'isho ay u arkaan mid Allah loogu dhawaado, waxayna Caa'isho ku tuhmaan iney tahay Zaaniyad!! iyagoo halkaas ku beeninaya Aayada uu Allah ku beri yeelayo Caa'isho oo ah hooyada mu'miniinta Zowjada Rasuulka Scw.

5: In Nabiga uu Khilaafada kala dar-daarmey Cali bin Abii dhaalib, balse ay qariyeen Aayadahaas Saxaabada uu kamid yahay Abuu bakar, kuwaas oo boobey madaxtinimadii uu lahaa Cali,sidaas darteed waxay u arkaan Saxaabadaas iney ka baxeen diinta Islaamka..

6: Waxay aamin sanyihiin in Qur'aanka uu yahay Makhluuq, iyagoo diidaya inuu yahay Kalaamka Allah Cazza Wajalla.

7: waxay inkiraan Sifaatka Allah Cazza Wajalla iyo Qadarta, sidaas ayaan Culimadu waxay ugu tilmaamaan iney yihin dhanka Caqiidada marka lag hadllo Muctazilo.

NB: Qodobada 2-aad, 3-aad, 4-aad waxay muujinayaan Gaalnimada Shiicada, sababtoo ah waxay si cad u diidayaan Aayado qur'aan oo ay kamid tahay Ayadii uu Allah ku beri yeeley Caa'isho markii Munaafaqiintu ay suuqa soo geliyeen iney zineysatay, waxay sidoo kale beeninayaan marka ay leeyihiin Qur'aanka ma dhameystirno Aayada uu Allah Cazza Wajalla ku leeyahya uguma tagin Qur'aanka shey.

Nasiixo ku socota Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Soomaaliya.

Hadaba hadii aynu intaas ogaanay, waxaa muhiim ah ineynnu is dereensiino Taariikhda dhow sida Shiicadu u galeen Muslimiinta, kadib markii Gaaladu u garba duubeen.

Markii Mareykanku la wareegey dalka Ciraaq bishii Marso ee sanadkii 2003, waxa uu talada dalkaas u dhiibey Shiicada aqaliyaadka ku ah dalka Ciraaq, kuwaas oo si xun u tacdiibiyey Muslimiinta una furtey Xabsiyo waaweyn oo dhulka hoostiisa ah qaarkood.

waa dad Xaasadiin ah marka loo eego ficiladooda, waxaana ay u arkaan dilka Muslimiinta mid wanaagsan oo Cibaado ah, taas ayaana keeneysa iney laayaan Muslimiinta.

marka aan warka soo dhaweeyo way ka daran yihiin Murtadiinta diinta Allah ka baxay,tusaale Murtadka Soomaaliga ah ee la jira Gaalada inta badan wuxu ku mashquulsan yahay waxa dhicida, aqoon sidaas ahna malahan, iskumana dayo inuu dad tashkiiliyo, basle Ninka Shiiciga ah markii uu fahmo manhajkiisa wuxuu bilaabayaa inuu ku tashkiiliyo xigtidiisa iney qaataan baadilka uu wado, sidaas darteed ayey haatan waxy Muqdisho ka wadaan Ol-ole ballaaraan oo ku aadan in dadku ay shiiceysiiyaan, iyagoo isugu xiran koox koox iyo Xaafad.

Markii ay noqdaan bulsho isku xiran oo farabadanna waxay ku dadaalaan iney isasoo muujiyaan, iyagoona hubka qaata si ay isaga difaacaan cidii isku taagta,balse marka laga hadlo Muqdisho wali ma gaarin heerkaas, laakiin waa arin ay ku taamayaan shanta sano ee soo socoto hadii ay wax ku sii socdaan sida ay haatan yihiin.

ugu dambeyntii waxaan ugu baaqayaa hogaanka Sare ee Mujaahidiinta Soomaaliya iyo Muslimiintaba iney arinkaas u arkaan Halis ballaaran oo ka daran tan gaalada ay wadaan,illeen waxan Shaki ku jirin in Kufaartan ay bixi doonaan, kuwa Murtadiinta ahna ay noqon doonaan kuwa la dilo,ama raaca gaalada, iyo kuwa ka towbad keena gaalnimadaas, balse Shiicadu waxay noqon doonaan Virus lagu dhex beerey Umadda oo meelna aan uga bixi doonin.

marka waxan ugu baaqi lahaa Mujaahdiiinta iney ka hortagaan nimankan Shar wadayaasha ah ee subax iyo maalin aflagaadaynaya Saxaabada Rasuulka Scw iyo hooyadeena Caa'isho.

Sidee looga hortagi karaa Shiicada Muqdisho kusii faafeysa?!

1: Waa in la tooktaa dadka shaqada ka dhigtey faafinta Manhajkaas oo waxa uu ka kooban yahay horey aan usoo sheegney.

2: in Caamada looga digaa iney Xiriir wuxuu doonaba ha ahadee ay la sameeyaan dadkaas, islamarkaana la mamnuuca in lagu tukto Masaajida ay iyagu furteen.

3:dowrka Culimada, Waxgaradka iyo Saxaafadda Islaamiga ah wuxuu yahay iney ka hadlaan Madhabka Shiicada,Umadana uga digaan iney wax la wadaagaan.

ugu dambeyntii waxan Allah weydiisanayaa in qoraalkan kooban uu ka dhigo mid Wajigiisa aan ula qasday iina saaro Miizaanka Xasanaadka, islamarkaana Fariiinteydaan uu gaarsiiyey Hogaankeena aan ku furaneyno Nafteena iyo Maalkeena.

Wixii aan khladey waxay ka ahaadeen Nafteyda iyo Sheydaan, wixii aan asiibeyna waxay ka aadeen Allah Cazza Wajalla...

W/Q Waran-dheere

Related Items

Update cookies preferences