Afartii Axmaq iyo Arrimaha Gumeysiga...Wixii Kasoo Baxay Shirkii Garowe.

Sunday May 03, 2015 - 09:34:01
Super Admin
C/Wali Gaas,Axmed Madoobe,Shariif Sakiin,Xasan Gurguurte Shirkii Garowe
C/Wali Gaas,Axmed Madoobe,Shariif Sakiin,Xasan Gurguurte Shirkii Garowe
Maalmo ka hor magaalada Garowe waxaa ka furmay shir ay isugu yimideen wakiillada gumeysiga ee Soomaaliya shirka Garowe ma ahayn mid isku keenay dad isjecel ee wuxuu ahaa mid lagu bahdilayay hoggaamiyaasha aan ceebta ka sariigan.



Shirkani ma laheyn wax yididiilla ah sababtoo ah hoggaamiyaasha isku yimid ayaa ah kuwa shisheeyaha u caysan balse shirkan ayaa waxbadan kaga duwanaa kulamadii hore sababtoo ah dhammaan dhinacyada isku yimid mid walba wuxuu ku maamuusnaa in uu madaxweyne u yahay dal soomaaliyeed!!.

1-Xasan Sheekh
2-C/wali Gaas
3-Shariif Sakiin
4-Axmed Madoobe
http://somalimemo.net/uploads/article/photo/IMG_6CC2D1-E064D8-F688CD-AA72CF-7EA7E0-0A2C54.jpg
Kulanka magaalada Garowe wuxuu banaanka soo dhigay heerka uu gaarsiisanyahay gumeysiga shacabka soomaaliyeed ladul dhigay,in dalkii loo  kala jaray dowlado dhaxdooda loolama,in shacabka soomaaliyeed loo kala qeybiyay wax u eg qowmiyad mid walba dowlad gaar ah leedahay iyadoo lawada ogyahay in soomaalidu tahay hal qoys oo aan sinaba ukala maarmin.

Waxaas oo idil waxaa kasii daran kulanku wuxuu qaawiyay Xasan Sheekh oo meel banaan cidla ah soo istaagay haddii uu sheegan jiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya! Sheegashadaasi waxaa waxba kama jiraan ka dhigay isku imaatinkii Garowe.

Xasan Gurguurte waxaa hareertiisa fadhiyay sedax madaxweyne oo Soomaaliya ka dhisan:-


Madaxweynaha dowladda Soomaaliyeed ee Puntland!
Madaxweynaha dowladda Soomaaliyeed ee Jubba!
Madaxweynaha dowladda Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed!

Waxaa kasii daran mid walba marka cod baahiya lagusoo dhaweeyo wuxuu leeyahay waxaan umahad celinayaa "Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed Ee… Axmed Madoobe ama Shariif Xasan” mid kasta oo madaxweynayaasha kamid ah wuxuu wataa calan gooni u ah dowladdiisa soomaaliyeed!! Wuxuu lama taabtaan ka dhigayaa in dowladdiisa soomaaliyeed umadax banaantahay kheyraadkeeda iyo cilaaqaadkeeda dibadda.

Xasan Sheekh indhihiisa ayuu kusoo arkay in dalku gumeysi kujiro balse ma qiri karo oo marka uu Muqdisho ku laabtay ayuu karaaniyaashiisa ugu sheekeeyay "waxaan Garowe kulasoo kulmay guddoomiyaasha gobollada dalka”.

Jeneraal Gabre oo ah taliyaha ciidamada gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya ayaa shirka Garowe ku sugnaa oo kormeerayay waxa ay ka hadlayaan wakiillada Itoobiya ee Soomaaliya.

Dalkii waxaa dowlad ka ah shisheeye iyana waxaa lagu mashquuliyay maamullo magac uyeel ah kheyraadkii waxaa guranaya soo duulayaal iyana waa makarafoono uu gumeystu ku yeero.

Allaha Unaxariistee Halgamaagii soomaaliyeed Sayid Max’med C/lle Xasan ayaa isagoo ka hadlaya kuwa dabadhilifyada u ah gumeystaha waano ueediyay kuna tirtirsiiyay in dalkooda ay maamushaan ayna ka haraan daba nashlaynta gumeystaha wuxuu yiri.


"Idinkaa dalkaba lehe

Dawlad maad uhaataan.

Ileen doqoni Calaf maleh,

Dibadaha maxaa ka baylahan”.

W/Q Wariye Warfaa Kheyrdoon

Related Items

Update cookies preferences